HomeWarkiiMasuul Puntland ka tirsan oo Ciidmada PSF ku tilmaamay inay u shaqeeyaan...

Masuul Puntland ka tirsan oo Ciidmada PSF ku tilmaamay inay u shaqeeyaan Madaxweyne Xassan

GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheikh Cali Jifo-jabsade ayaa markii ugu horeysay ciidamada puntland ee PSF banaanka ka dhigay inay Puntland ka tirsan yihiin.

Gudoomiyaha oo ka careysan dhaq dhaqaaq ay ciidamada PSF dhawaan ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland ayuu ku eedeeyay inay Dowlada Somalia ka amar qaataan gaar ahaan Madaxweyne Xasan.

Gudoomiyaha wuxuu sidoo kale ku eedeeyay masuuliyiinta ciidamadaasi inay hada ka tirsan yihiin Kooxda Madaxweyne Xassan sidaas daraadeed,wuxuuna ku eedeeyay inay shaqadooda tahay inay shacabka hantidooda boobaan sidoo kalana dhiigooda daadiyaan.

Mar uu si gaar ah uga hadlayay dhaq dhaqaaqyada Ciidamada PSF ay ka sameeyeen Gaalkacyo inay tahay mid ay ku doonayeen inay amniga ku qalqalgeliyaan ,sidoo kalana y dagaalo kicin rabeen.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -