HomeWarkiiMasuul sare oo Daacish looga dilay Dagaalka Buuraha Cal-miskaad

Masuul sare oo Daacish looga dilay Dagaalka Buuraha Cal-miskaad

Af-hayeenka Hawlgalka Ciribtirka daacish-ta Puntand General Faadhigo ayaa shaaciyay inay dileen masuulka sedexaad ee ugu sareeya kooxda Daacish.

Sarkaalkaan la dilay waxaa magaciisa lagu sheegey Axmed Muuse Saciid (Beeldaaje) waana nin Puntland u dhashay aadna u kala yaqaan dhulka buuraha ee dagaalku ka socdo sida uu sheegay  Af-hayeenka Hawlgalka Ciribtirka.

Ciidamo si gaar ah u tababar oo ka tirsan Puntland ayaa 15-kii bishaan qaarajiyay masuulkaani Daacish madaxda ka ahaa kadib howlgal gaar ah oo nabad sugida Puntland ka soo shaqeysay.

Af-hayeen General Faadhigo mar wax laga weydiiyay waxa uu u qaabilsanaa  Daacish ninkaan la dilay ayaa sheegay inuu ahaa madaxa xiririka arimaha dibada ee kooxda, sidoo kale qaabilsanaa soo gelinta dhulka Puntland dagaalamayaasha Daacish ee dalalka diobada ah isaga kala yimid.

Sidoo kale wuxuu u qaabilsanaa sida Afhayeenku sheegay diyaarinta meelaha ay ku Puntland kaga gaban lahayeen iyo hababka dagaal gelinta dhulka Puntland madaama uu aad u kala yaqaanay.

Afhayeenka wuxuu sheegay in sadedxda Masuul ee ugu sareysay ay hada laba kaliya ka hareen madaama la dilay Axmed Muuse Saciid (Beeldaaje).

“wuxuu ahaa nin aqoonyahan ah oo luuqado badana yaqaan islamarkaana wax ku soo bartay dalka Imaaraadka Carabta, wuxuu ahaaba waa tagay iyagana waa ku gablameen”ayuu yiri Afhayeenka howlgalada Puntland

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -