HomeWarkiiMasuul Warbaahin oo lagu xirey Degmada Wala-weyn

Masuul Warbaahin oo lagu xirey Degmada Wala-weyn

WALA-WEYN (DAYNIILE.COM)- Wararka ka soo baxaya Magaalada Wala-weyn ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada Dowladu xalay xabsiga dhigeen Agaasimaha Radio Wanla-weyn.

Ciidamada Masuulkaasi kaxeystay ayaa la soo sheegayaa inay si gaar ah uga amar qaataa Guddoomiyaha degmada Wanla-weyn lamana oga halka ay ula dhaqaaqeen.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa saxaafada u sheegay inaysan si rasmi ah u geyn ujeedka xariga balse waxaa loo maleynayaa inay arintani daba socoto war shalaya ka soo baxay Gudoomiyaha Wala-wen mar uu ka hadlaayay Masaajika.

Gudoomiyaha ayaa masaajidka ka sheegay in dhisme isbitaal ay wadaan ay tahay in qarashka ku baxaya si qasab ah looga qaadi doono ganacsatada iyo shacabka kadibna agaasimaha ayaa bage-ka idaacada soo dhigay warkaasi kadibna saacado kadib ciidamadu la boodeen Agaasimaha Idacaada Walaweyn.

Dhanka kale waxaa socota waan waan lagu doonayo in masuulkaasi xa bsiga looga sii daayo madama uu yahay masuulka kala wada Idaacada.

XAFIISKA WARARKA VSIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -