HomeWarkiiMasuuliyiin Dowlada ka tirsan oo Ankara u jooga khibrad wadaag dhanka Warfaafinta...

Masuuliyiin Dowlada ka tirsan oo Ankara u jooga khibrad wadaag dhanka Warfaafinta ah+SAWIRRO

Wafdigan oo uu hogaaminayo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala) waxaa ka qeyb ah Agaasimayaasha Warbaahinta ee Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha, Wasaaradda Warfaafinta iyo Lataliyayaal sare dhinaca xiriirka Warbaahinta ah, wafdiga ayaa booqday xarumaha Telefishinka iyo Raadiyaha Turkiga, Wakaaladda Wararka ee Anadol Agency iyo Havelsan oo ka mid ah xarumaha soo saara, isla markaana horumariya qalabka Militariga, Difaaca iyo Tiknoolajiyadda.
Xarunta Telefishinka iyo Raadiyaha Turkiga (TRT) waxaa wafdiga loogu soo bandhigay qaabka shaqada hay’addan warbaahineed oo ka mid ah hay’adaha ugu weyn Warbaahinta Caalamka. Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala iyo xubnaha kale ee wafdiga ayaa booqday Istuudiyayaasha iyo xarumaha kaydka Telefishinka iyo Raadiyaha Turkiga.
Xarunta Havelsan ee Difaaca oo ay wafdigu booqdeen waxaa loogu soo bandhigay horumarka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda iyo kaalinta ay ka qaadanayso horumarinta difaaca dhulka, cirka iyo badda iyo sida Turkigu horumarka xowliga ah u sameynayo, maadaama uu yahay dalka ka mid ah saaxiibada ugu dhow ee Soomaaliya u taageera sida ugu dhow.
Xarunta Wakaaladda Wararka ee Anadol ayay sidoo kale wafdiga tageen, halkaas oo ay ugu bilaabatay aqoon isweydaarsi iyo khibrad wadaag soconaya laba maalmood oo diiradda saaraya sida loo diyaariyo, loona Maareeyo xiriiirka Warbaahinta ee xiliyada Doorashooyinka, Maareynta Xasaradaha iyo ka hortagga been abuurka iyo marin habaabinta.
Booqashada shaqo ee wafdigan heerka sare ah oo daaran khibrad wadaag xiriirka Warbaahinta iyo Dadweynaha ee labada dowladood ah, waxaa marti galiyay Agaasinka xiriirka Warbaahinta ee Madaxtooyada Turkiga, waxayna masuuliyiintaan booqa doonaan xarumo kale oo ay ku jirto xarunta Agaasinka.May be an image of ‎4 people and ‎text that says "‎// 12.26 09 - ಟಲತತರ ر নগ AL ABDIRAHMANYUSUFALADALA AL LADALA ADALA ABDIRAHMAN YUSUF Deputy Minister, Ministry‎"‎‎May be an image of 15 people and daisMay be an image of 13 people and textMay be an image of ‎2 people and ‎text that says "‎ELS دیه‎"‎‎May be an image of 7 people and tableMay be an image of 14 people and text that says "HAVELSAN"May be an image of 16 people, newsroom and daisMay be an image of ‎2 people, television, speaker, newsroom and ‎text that says "‎EEAL HAVELSAA لا 日 HAVE SAA NOE DEL TENGELTRAI LT HAVELSAN SAN HAVE‎"‎‎May be an image of 10 people and suitMay be an image of 4 people, newsroom and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -