MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta baaqday xaflad maalmihii ugu dambeeyay qaban qaabadeeda ay socotay taasoo lagu shaacin rabay xisbiga Cadaalada iyo Wadjirka kaasoo uu hogaamianyo Madaxweyne Xassan.
Xisigaan oo dhawaan la balaariyay ayaa waxa iskula jira Madaxda sare ee Dowlada sida
Madaxweynaha,Ra’iisulwasaaraha,Gudoomiyayaasha labada aqal ee baarlamaanka, iyo madaxweynayaasha Maamul Goboleed-yada Hirshabelle,Galmudug iyo Koofur-galbeed.
Xaflada waxaa loo balansanaa maanta in lagu shaaciyo xisbigaani siyaasiyiinta badani isugu tageen balse waxaa la xaqiijiyay inay baaqatay.
Warar hoose ayaa sheegay inuu jiro khilaaf ka yimid dhanka Laftagareen kaasoo dalbaday in xilalka sare ee Xisbiga reerkiisa mid laga siiyo sida Xog-hayaha guud ama Gudoomiyaha Xisbiga,sidaas daraadeed ayaa la sheegayaa in dib loo dhigay si arintaasi loo xaliyo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM