HomeWarkiiMaxaa ka jira in Baarlamaanka Mareykanka loo gud-biyay mooshin ka dhan ah...

Maxaa ka jira in Baarlamaanka Mareykanka loo gud-biyay mooshin ka dhan ah Somalia

WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Baarlamaanka Mareykanka loo gud-biyay xeer lagu joojinayo dhaqaalihii Mareykanku siin jirey  Dowlada Faderaalka Soomaaliya gaar ahaan dhanka Amniga.
Qaar ka mida Xildhibaanada iyo sanatarada Mareykanka ayaa wada xeerkaan iyagoona ku eedeeyay Somalia inaaney wax is badala sameyn intaas sano oo Mareykanku dhaqaale ku bixinaayay.
Waxay soo jeediyeen in la joojiyo dhamaanba dhaqaalihii Mareykanku ku bixin jirey Hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee Midowga Afrika gaar ahaan howlgalkii ATMIS ee hada loo badalayo AUSSOM.
Sedex mudane oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa horkaceysa mooshinkaan oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senete-ka  Md. Jim Risch iyo labada xildhibaan kale Ted Cruze iyo Rick Scott.
Mareykanka ayaa ka careysan go’aankii Dowlada Somalia dhawaan ku mamnuucday Basaborka Taiwan iyado xildhibaano mareykanka ka tirsan ay ku hanjabeen in hadii Somalia ay ka laaban wayso go’aankaasi uu Mareykanku dhaqaalaha ka joojin doono Dowlada Somalia sida warkii saaka aan idinku sheegnay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -