MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa baxaya warar sheegaya in mar kale Villa Somalia ay ka bilaabatay qorshaha xilka looga qaadayo Taliyaha Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Wararku waxay tilmaamayaan in mar kale Mahad Salaad loo dhiibayo xilka sirdoonka Qaranka taasoo aan wali xaqiiqo loo heyn.
Wararka xil ka qaadista Sanbaloolshe hadal heynteeda ayaa sidii u soo laabatay walina ma jirto masuul Dowladeed oo saxaafada u xaqiijiyay jiritaanka warkaani.
Sidoo kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Villa Somalia aaney ku qanacsaneyn shaqada Sanbaloolshe bilahaan danbe taasina ay keentay shakiga laga muujinayo xil ka qaadista Sanbaloolshe iyo soo noqoshada Mahad Salaad.
Dhawaan ayay ahayd markii Macwisleyda Beesha Xawaadle ay afka furteen markii ay maqleen wararka sheegaya in xilka laga qaadayo C/laahi Sanbaloolshe oo beeshaasi ka soo jeeda iyagoona ku hanjabay hadii laga qaado inay Dowlada iyo iyaga banaanka kala joogi doonaan oo aysan amarada Dowlada ku shaqeyn doonin.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
