MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kadib markii dhowr mar oo uu duqa Muqdisho ka hadlay saxaafada horteeda ay dhaliilo kaga yimaadeen bulshada kadib hadal aan u wanaagsaneyn masuul ayaa waxaa la sheegay in masuuliyiin Dowladeed iyo ehaladiisa ay u soo jeediyeen inuu iska yareeyo la hadalka saxaafada.
Wararkaasi ayaa tilmaamaya in Duqa Muqdisho Maxamed Axmed Amiir uu aqbalay taladaasi islamarkaana uu dhaqan geliyay taladaasi.
Sidoo kale waxaa jirta qorshe kale oo ah markii lagama maar ay noqoto inuu hadlo in marka hore kaamira looga duubo xafiiskiisa ka hor inta aan saxaafada loo gudbin si sixid loogu sameeyo.
Afhayeenka Maamulka gobalka Banaadir ayaa maanta la sheegay inuu saxaafada uga warbixiyay socdaal uu duqa Muqdisho ku sameeyay qaar ka mid ah Degmooyinka Magaalada Muqdisho.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM