HomeWarkiiMaxaa ka jira in Sambaloolshe mucaaradka ku biirayo

Maxaa ka jira in Sambaloolshe mucaaradka ku biirayo

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Agaasimihii hore ee NISA C/laahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo shalay xilka laga qaaday ayaa warar aan wali la xaqiijin waxay sheegayaan inuusan ku qancin xil ka qaadistiisa xili hore loo shaaciyay in reerkiisa iyo isagaba ay sii diideen hadii laga qaado ineysan aqbali doonin xil kale.

Warar kale ayaa sheegaya inuu ku maqan yahay soo gudashada acmaasha xajka islamarkaana isagoo maqan laga qaaday xilka.

Nabadoon C/qaadir Abaabul oo caan ka ah Soomaalida dhexdeeda islamarkaana sheegta inuu yahay Gudoomiyaha Golaha Bad-baado Bulsho ayaa shaaciyay in Taliye sanbaloolshe uu qorsheynayo inuu ku biiro mucaaradka Dowlada

Sanbaloolshe waxaan leeyahay yaan ciil hotel Jaziira ku geynin”ayuu yiri Nabadooon Abaabul oo dhanka kale aad u soo dhaweeyay soo magacaabista Mahad Salaad ee lagu badalay Sanbaloolshe.

“Madaxweynaha waxaan uga mahadcelinayaa inuu soo magacaabay Mahad Salaad oo uu u asiibay Mahad iyo Muungaab, waqtigaan ku haboonaa  NISA”ayuu mar kale yiri Nabadoonka

Dhanka kale Nabadoon Abuul ayaa ku kala amaanay Mahad Salaad inuu maskaxda ku adag yahay halka Sanbaloolshana xabada ku ad-adag yahay.

“waqtiga iyo saacada lagu jiro ee kala guurka ah waxay rabtaa dad  adagey rabtaa ,dad xabada ku adag maahane waxay rabtaa dad  maskaxda ka adag waana la keenay”ayuu yiri Nabadoon Abaabul.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -