MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in kooxda Madaxweyne Xassan ku gadaaman ay xilka Wasiirka arimaha dibada la rabeen shaqsi qurba koog ah kaasoo aan la ogeyn inuu yimid iyo inuu wali qurbihiisa jiro.
Ninkaan oo Mareykanka jooga ayaa hore mar hadal heyntiisu u soo baxday balse labadii maalmood ee u danbeysay ayay aad u xoogeysatay iyadoo wararka qaar sheegayaan in si gaar ah uu ninkaasi u wato Wasiiru Dowlaha wasaarada arimaha dibada Cali Balcad oo aad ugu dhaw madaxweynaha.
Kooxda Madaxweynaha waxaa ka guuleystay oo dhankiisa qorsheynayay inuu xilkaan isagu qabto Ra’iisulwasaare xigeenka 2-aad ee dalka C/salaan Cabdi Cali kaasoo ugu dambeyn galabta loo magacaabay, waxaana wax la waday Xamsa Cabdi Barre.
Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha ayaa ugu dambeyn ku qancay in C/salaan Cabdi Cali lagu aamini karo wasaarada arimaha dibada si Fiqi gaashaandhiga loo geeyo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMÂ