HomeWarkiiMaxaa kala qabsaday Alshabaab weerar qorsheynayay iyo Macawisleyda Xawaadle.

Maxaa kala qabsaday Alshabaab weerar qorsheynayay iyo Macawisleyda Xawaadle.

HARARTA (DAYNIILE.COM)-Dagaal aysan fileyn ayaa maanta Alshabaab ku qabsaday deegaan ku yaal xadka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe kadib markii macawisleyda Beesha Xawaadle ka dul dheceen kuwaasoo sida lagu yaqaan aanba sugin in la soo weeraro.
Alshabaab oo is diyaaris ku jirey islamarkaana qorsheynayay inay weerar soo qaadaan ayaa loogu tagay bartii ay iska soo abaabulayeen oo ah Deegaan lagu magacaabo Hararta oo u dhaxeeya degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Ceel-hareeri ee gobolka Hiiraan.
Sida ay saxaafada u sheegeen Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada Xawaadle waxay dagaal kula wareegeen goobtii, Alshabaab-na waxay ka dhigeen mid carara ,mid la dilo iyo mid dhaawaca.
Saraakiishu waxay intaasi ku dareem inay weerarkooda ku dileen ilaa 10 dagaalame oo Alshabaab ka tirsanaa,sidoo kale waaxay sheegeen inay soo furteen 10 qorey inkastoo aysan sharixin nuucyada qoryaha.
Howlgalka ayaa ahaa mid guuleystay sida saraakiishu sheegeen, waxayna ku fashiliyeen abaabulkii iyo qorshihii Alshabaabku is lahaayeen weerar ku qaada.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 6 people
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -