HomeWarkiiMaxaa ku soo kordhay qoyskii Somaliyeed ee aanada qabiil loo xasuuqay

Maxaa ku soo kordhay qoyskii Somaliyeed ee aanada qabiil loo xasuuqay

MANDHERA (DAYNIILE.COM)-Dowlada Kena gaar ahaan ismaamulka Mandhera ayaa ku howlan sidii xal loogu heli lahaa colaad beeleed ka taagan miyiga Mandhera kaasoo sababay in qoys Soomaaliyeed habeen hore saqdii dhaxe la xasuuqo.

Qoyskaan oo ka koobnaa lix ruux ayaa habeen hore waqti danbe la dilay dhamaantood kadib markii ay weerareen  maleeshiya beleeed hubeysnaa sidoo kale 4 ruux ayay dhaawaceen kuwaaasoo lala tacaalayo daweyntooda.

Qoyska la xasuuqay wuxuu ka koobnaa Aabe iyo labadiisa xaas iyo caruurtiisa oo gabdho ahaa, waa dhacdo ka mida kuwa ugu foosha xun ee mararka qaar ka dhaca deegaanada Somaalida.

Ciidamada Booliika iyo kuwa danbi baarista Kenya ayaa ku howlan sidii loo soo qaban lahaa kuwa geystay falalkaasi foosha xun si looga hortago in reeraha kale iyaguna dhibaato geystaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -