HomeWarkiiMaxaa looga hadlay maanta kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Baarlamaanka+SAWIRRO

Maxaa looga hadlay maanta kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Baarlamaanka+SAWIRRO

May be an image of 1 person, dais and text
Muqdisho-Soomaaliya 22, May, 2025: Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa todobaadlaha ah ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ugu horreyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyay shaqooyinka golaha horutebinta u leh inta ka harsan kalfadhiga lixaad, waxaana intaasi ka dib guddoomiyaasha guddiyada laga dhageystay warbixinno ku saabsan shuruucda hortaala iyo habraacyada u harsan.
Ugu dambeyn xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ajendeyn iyo jadwaleynba ku sameeyay ajendayaasha kulamada golaha ee todobaadka soo socda, waxaana guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray kula dardaarmay xubnaha Guddiga Joogtada ah in la dardargeliyo shaqada golaha shacabka.

DHAMMAAD.
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka BJFS.
Ibraahim Guudle IsxaaqMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 personMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 peopleMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 1 person and dais
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -