
Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo la xiriira badqabka diyaaradaha ka howgala dalkeenna iyo caqabadaha hortaaggan si xal loogu helo, iyada oo la ilaalinayo badqabka shacabka iyo fulinta Siyaasadda Jaangoynta Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda.
Golaha Wasiirrada, ayaa sidoo kale u dallacsiiyey darajada Safiir, Mudane Axmed Jaamac Cumar, iyada oo la tixgalinayo Aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa.
—DHAMMAAD—


















































