HomeWarkiiMaxaan ka naqaana Nuur Cabdi Rooble oo ay dowladda Soomaaliya sheegtay in...

Maxaan ka naqaana Nuur Cabdi Rooble oo ay dowladda Soomaaliya sheegtay in ay ku dishay hawlgal qorsheysan?

=XIGASHO BBC SOMALI=shabab

Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijisay dilka taliye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabo Nuur Cabdi Rooble oo sidoo kale loo yaqaanay Nuunule, kadib howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada nabad sugida Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah kaas oo ka dhacay deegaanka Ceel-Hareer ee gobolka Hiiraan.

Ninkaan oo sida dowladdu sheegtay xirfadiisu ahayd abaabulka weerarrada bartamaha Soomaaliya, ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray weerar cirka ah Jimcihii, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Nuur Cabdi Rooble oo ku dhashay deegaanka Ceelgaras ee gobolka galgaduud, ayaa ka tirsanaa ururka al Shabaab muddo 17 sano ah, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya,. Xilliga la dilay ayay da’diisu ahayd 47 sano jir.

Xilkiisa ayaa ahaa abaabulaha guud ee ciidamada ururka ee gobolada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe, sida laga soo xigtay talafishinka qaranka Soomaaliya.

Nuunuule, waxaa la sheegay in uu ku dhaawacmay 6-dii Juun aagga Ceel-Hareeri, waxaana warbaahinta dowladda lagu sheegay in 7-dii Bishan uu u dhintay dhaawacii soo gaadhay. Dilka taliyahaan sare ee ka tirsan ururka Al-Shabaab ee ay dowladda sheegtay ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijisay walI.

Sida ay sheegtay dowladda Somaaliya wuxuu Nuunuule ayaa hoggaaminaayay weeraradii ururka Al-Shabaab ayka gaysteen deegaanka Galcad, halkaas oo lagu dilay saraakiil sarsare oo ka tirsanaa ciidanka dowladda.

“Ninkaan hadda ninkii uu beddelay bil iyo waxoogaa ka hor ayuu Aadan Yabaal ku dhintay safkay isugu jiraan dhimashada” ayuu yidhi Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi.

Isla shalay warsaxaafadeed kale oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 25 ka tirsan ururka Alshabaab lagu dilay howlgal kale oo ka dhacay Shabeeladda Hoose kaas oo ka fuuliyeen ciidamada Danab ee xoogga dalka Soomaaliya tuulada Gaalwaare.

Isla warsaxafaadeedkaas ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda hub faro badan gacanta ku dhigeen.

Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi oo Sabtidii la hadlay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay sidii loo burburin lahaa Talisyada Kooxda Xagjirka ah ee ka howlgala Gobollada Dhexe ee Soomaaliya.

“Dadka deegaannada waa dadka muujiyay tabar-darrada Al-Shabaab, khasaarahiii ugu balaarnaa ee Alshabaab soo gaadhay intay jireen labaatankii sano ee lasoo dhaafay meesha ugu badan oo khasaaro laga gaadhsiiyay – gobolada ninkaan horjogaha ka ahaa ayay ahayd” ayuu ku daray wasiirka oo sii faahfaahinaya dilka Nuur Cabdi Roobleshabab

Muxuu uga dhigan yahay dilkiisa dowladda Soomaaliya?

Sanadkii 2024, Háy’adda Qaran ee Ka-Hortagista Lacagaha Sharcidarrada ah iyo Taageeradda Maaliyadeed ee Al-Shabaab ayaa Nuur iyo sideed qof oo kale kusoo rogtay xanibaaddo dhanka maaliyadda ah. Markaas oo ay hay’addaasi sheegtay in uu ahaa madaxa ururka Al-Shabaab ee gobolka Mudug.

Axmed Kaboole oo ah falanqeeya arimaha amniga ayaa sheegay in dilka ninkaan ay ugu dhigantahay dowladda Soomaaliya guul weyn. “Waxay uga dhigantahay in ay dileen taliye aad iyo aad muhiim ugu ah Al-shabaab. Waana guul aan ahayn mid aan dhammaystirayn”

“Markii la dilo taliye saas muhiim u ah oo isku xidhayay howlgaladii iyo taliskii gobolada marka la fiiriyo dagaalka ka socda gobolka Shabeelada Dhexe guusha ay gaadheen dowladda waxay tahay si kooban in ay joojiyeen howlgaladii taasina ay dib-u-dhac u keenayso horumarkii Al-Shabaab.”

Axmed Kaboole waxuu qabaa in dilka ninkaan ay keeni karto dib u dhac ku yimaadda dhaqdhaqaada howlgalada Al-Shabaab sarena usoo qaadayso dareenka ciidanka qaranka ee Soomaaliya.

“Waxaa dhici karta howlgal socday oo isaga hoggaamintiisa u baahnaa in la jaray mooralka ciidamada SNA ayay sidoo kale kor usoo qaadaysaa, maadaama dagaaladii ugu danbeeyay ee ay Al-shabaab la galeen xoogaa dib u dhac ku yimid”

=XIGASHO BBC SOMALI=

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -