MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ka hadlay xaalada siyaasada dalka xili mucaaradkii Dowladu badankood xamar ku soo qulqulayaan.
Rooble wuxuu si kulul uga hadlay hab-dhaqanka Dowlada Madaxweyne Xasan oo ay u arkaan inay ku mashquulsan tahay sidii ay mudo kororsi u sameysan lahayd.
Rooble wuxuu shaaca ka qaaday inuusan aqbaleyn Dowladnimadii uu shalay darteed u tanaasulay in maanta siyaasi kale la cararo.
“Kursigii aan shalay ka tanaasulay, kama yeelayo inuu maanta Nin la cararro… Waa in loo istaago in dalka laga badbaadiyo xaaladda uu ku jiro”ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.
Wuxuu Carabka ku adkeeyay in Madaxweynihii hore Farmaajo iyo madaxweynaha hada Xasan sheekh ineysan midna qabiil ku xigsanayn midna ku raaceyn.
Maxamed Xuseen Rooble mar uu si toos ah ugu dhaga-hadlayay Madaxweyne Xassan wuxuu sheegay inay jiraan madax markey banaanka ka joogaan xukunka waxay gartaan aan garan marka ay xukunka hayaan.
“Marka ay banaanka joogaan way gartaan dhibka shacabka heysta laakiin markey kuraasta ku fadhiistaan mar gartaan dhibaatada uu shacabka ku jiro”ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.
Dhanka kale mar uu ka ka hadlayay shir la hadal hayay inay yeeshaan mucaaradka iyo Dowlada ayuu sheegay in shirkaasi yahay mid la wada sugaayo,wuxuu xusay in beri uu bilaaban doono islamarkaana guud ahaan la wada wargelin doono inta ay quseyso
“shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay dhamaanteen aan u istaagno sidii dalka xaalada uu ku jiro looga bad baadin lahaa”ayuu yiri Rooble
Mar uu ka hadlayay shirka Madaxweyne Xassan Iclaamiyay ayuu carabka ku adkeeyay in iyaga madaxweynaha ay wada-jir u samataboxin doonaan dalka xaalada uu ku sugan yahay.
“walaalkeey saaxiiibkeey, madaxweynaheyga waxaan leeyahay insha Allaah anagoo bad-qabna ayaan dalka samatabin doonaa anagoo wada raali ah,lagu wada heshiiyo doorasho heshiis lagu yahay,dastuur heshiis lagu yahay”ayuu yiri Rooble
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM