HomeWarkiiMaxay ka wada hadleen Duqa Muqdisho iyo  Madaxa QM ee Somalia

Maxay ka wada hadleen Duqa Muqdisho iyo  Madaxa QM ee Somalia

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) James Swan, ayaa ka wada-hadlay qorshaha Dimuqraadiyeynta ee awooda dib loogu celinaayo shacabka iyo doorashooyinka Dowladda Hoose ee Magaalada Muqdisho

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dhibaatooyinkii ka dhashay roobabkii dhawaan ka da’ay Magaalada Muqdisho, sidii gacan looga geysan lahaa xaaladdaha bini’aadannimo, dib u dhiska kaabayasha dhaqaalaha iyo in laga wada-shaqeeyo shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho ayaa ka mahad celiyey doorka QM ay ka qaadato xoojinta dowladnimada, maamul wanaaga iyo arrimaha gargaarka, iyadoona labada dhinac isla qaatay sare u qaadida mashaariicda horumarineed ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -