Ra”iisulwasaarayaashii hore ee Somalia Cabdiweli Sheekh Axmed, Cabdi Faarax Shirdoon, Maxamed Xuseen Rooble iyo Gudoomiyihii Hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa maanta kulan yeeshay.
Maxamed Xuseen Roobe ayaa ka warbixiyay kulankaasi wuxuuna sheegay inay ka wada hadleen xaaladda guud ee uu dalku maanta ku sugan yahay.
“Waxaa sharaf weyn ii ah inaan maanta kulannay, waqtina wada qaadannay annagoo ah Saddax Ra’iisul Wasaare iyo Guddoomiye hore ee Golaha Shacabka Barlamaanka Soomaaliya”ayuu yiri Maxamed Xusee Rooble.
Rooble wuxuu intaasi ku daray inay isla garteen in Dalka uu god mugdi ah ku sii socda.
“ficillada iyo habdhaqanka Dowladda hadda joogtana waa kuwo aan loogu tureyn Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed”ayuu yiri Rooble
Saaxiibadda Caalamka ayuu sheegayinay ka muuqato welwel iyo hubanti la’aan ku aaddan waxa Dalka ka socda ee ah Jahwareer Siyaasadeed ah
Sidoo kale Shirka Masuuliyiintaan waxaa laga soo saaray in Xalku ku jiro in la wada fariisto, lana yeesho talo mideysan, laguna heshiiyo Doorasho wada ogol ah oo Waqtigeeda ku dhacda.
Ugu dambeyn Rooble wuxuu sheegay inay ku talinayaan in la dhageysto talada dadka waxgaradka ah ee Soomaaliyeed, si marxaladaan adag looga gudbo iyadoo la mideysan yahay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM



DAYNIILE.COM



