MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilan wakiilka cusub ee howlgalka AUSSOM ayaa la sheegay inuu si kulul ula hadlay intii ay ka wada hadlayeen xaalada Somalia iyo xiriirka labada dhinac nuuca uu noqonayo.
Madaxweyne Xassan ayaa la sheegay inuu Wakiilka cusub ee AUSSOM Adebayo Kareem dhagihiisa ku dhibciyay inuusan marna ka aqbali doonin wax kasta oo faragelin ku ah madaxbanaanida qaranka Soomaaliyeed.
Wakiilkii hore EE aussom ayay Dowladu ku eedeysay inuu si dadban u taageeray kooxda Alshabaab markii uu fadhiga QM ka sheegay in Alshabaab kaabiga ku soo heyso Magaalada Muqdisho.
Ujeedka guud ee kulanka dhemaray Madaxweyne Xassan iyo Wakiilka KMG ah ee AUSSOM ayaa ahaa sidii ay isula faaqidi lahaayeen iskaashiga labada dhinac iyo ciidamada Midiowga Afrika uga qeyb qaadan lahaayeen cirib tirka kooxda Alshabaab.
Sidoo kale Madaxweyne Xassan wuxuu aad usoo dhaweeyay wakiilka cusub ee loo soo magacaabay howlgalka AUSSOM iyadoo labada masuul isla garteen dar dar gelinta howlgalada amni ee ka dhanka ah kooxda Alshabaab kuwaasoo la doonayo inay iska kaashadaan ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa xooga dalka Somalia.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM