Laami yaraha Zoope ee Magaalada Muqdisho waxaa saaka laga helay Meydka wiil yar oo lagu qiyaasay 14 jir kaasoo xalay biyaha roobabku qaadeen isagoo hoyaad u sii ahaa gurigiisa.
Dadkii goob jooga ahaa waxay sheegeen inuu xalay la socday abtigii markii ay daadadka roobku mar kaliya qaadeen wiilka halka abtigiisna uu ka bad baaday oo dhaawacyo yar yar ay soo gaaareen islamarkaana uu awoodi waayay inuu wiilka ka bad baadiyo daadadkii xoogan ee soo rogmaday.
Wiilka geeriyooday waxaa la rumeysan yahay god weyn oo biyuhu xalay qodeen inuu ku dhacay halkaasna uu ku geeriyooday waxaana saaka la helay xili dhagxaan iyo caradii roobabku wateen ay qariyeen wiilka.
Cagaf ayaa la sheegay inay caawisay shacabka markii la arkay meydka qaarkiisa danbe , ugu damneyn ehaladiisa ayaa meydka la wareegay markii la soo bixiyay.
Laamiyada Muqdisho qaarkood waxay isku badaleen boholo godad ah roobka da’ay xoogiisa darteed,mana u maleyneysay inay meeshu laami ahayd .
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM