HomeWarkiiMidowga Yurub oo iska riixay bixinta dhaqaalaha Nabada Somalia ku bixin jirey

Midowga Yurub oo iska riixay bixinta dhaqaalaha Nabada Somalia ku bixin jirey

BRUSSELS (DAYNIILE.COM)-Dhawaan Mareykan baa ka gows adeegay bixinta dhaqaalihii uu Somalia sida joogtada ah ugu bixin jirey hadana waxaa markooda albaabada ka xiranaya Midowga Yurub inkastoo si buuxda aysan wali ugu dhawaaqin.

Midowga Yurub wuxuu markii ugu horeysay ku dhawaaqay in  mustaqbalka amniga Soomaaliya uusan ku  tiirsanaan karin dhaqaalaha ay bixiyaan iyagoo ula jeeda inaysan sii wadi karin taageerada Somalia gaar ahaan maal-gelinta ciidamada Midowga Afrika iyo mida ay Dowlada siiyaan.

Midowga Yurub ayaa Magaalada Brussels  waxay ka sheegeen inay tahay in la wada qeybsado dhaqaalaha ku baxa Somaia iyagoo soo tiriyay dalal mareykanka,Shiinaha iyo Carabta ,waxay adeegsadeen ereyga in cadaalad loo qeybsado dhaqaalaha howlgalka nabad ilaalinta Somalia.

Midowga Yurub wuxuu soo jeeiyay in wixii hada ka danbeeya Carabta.Shiinaha iyo Mareykanka looga baahan yahay inay bixiyaan qarashaadka nabad ilaalinta Somalia hadii sida ay sheegen  la rabo in horumar laga sameeyo nabada Somalia.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMidowga Yurub oo Soomaliya usoo magacaabay Ergey cusub – Radio Daljir

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -