Sida lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Ciidanka geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), oo garab ka helaya kacdoonka shacabka ee Macawiisleyda gobolka Hiiraan, ayaa saaka waaberigii fuliyay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday fariisin Khawaarijtu ku lahaayeen deegaanka ceel-dheere oo qiyaastii 8-km u jira magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan, oo hoostaga degmada Buulo-Burte.
Howlgalkan oo si xeeladaysan loo fuliyay ayaa lagu gaaray guulo la taaban karo, iyadoo la xaqiijiyay in laga dilay ugu yaraan 10 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta,
Weerarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta, waxaana uu muujinayaa kartida iyo feejignaanta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo shacabka deegaanka ee garabkooda ah.
Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Sahal Cabdullaahi, ayaa weli ku sugan furimaha hore ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay hoggaaminayaan abaabulka iyo qorsheynta howlgalada lagu xoreynayo guud ahaan deegaanada ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle.