XIGASHO LAACIB.NET
Mohamed Salah ayaa si lama filaan ah uga falceliyay guushii Tottenham Hotspur ka gaartay Manchester United kulankii kama dambaysta ahaa ee Europa League, isagoo bartiisa X (Twitter) ku qoray:
“Wuu sheegay inuu guuleysanayo xilli ciyaareedkiisa labaad. Hambalyo!”
Weeraryahanka reer Masar ayaa ula jeeday tababaraha Spurs, Ange Postecoglou, kaasoo xilli hore oo xilli ciyaareedka ah ballan qaaday:
“Mar walba waxbaan ku guuleystaa sanadkayga labaad.”
Tababaraha reer Australia ayaa ka run sheegay hadalkiisa– waxa uuna Spurs u horseeday koobkoodii ugu horreeyay tan iyo 2008, isagoo soo af-jaray17 sano oo ay koob la’aan ahaayeen.
Dhanka kale, Manchester United ayaa si niyad jab leh ku dhammeysaneysa xilli ciyaareedka, iyagoo seegay dhammaan koobabkii la tartamayay isla markaana ku jira kaalinta 16aad ee Premier League.
Wax qabadka Postecoglou ayaa si weyn loo amaanay, halka hadalka Mo Salah uu muujinayo in ballantii la qaaday laga dhabeeyay, taasoo xoojisay sumcadda tababaraha reer Australia.