HomeWarkiiMuqdisho oo lagu qabtay Kulan looga hadlayay maareynta si xun u isticmaalka...

Muqdisho oo lagu qabtay Kulan looga hadlayay maareynta si xun u isticmaalka baraha bulshada iyo khataraha ka dhasha

May be an image of 6 people and textMuqdisho, 12 May 2025 – Kulan muhiim ah oo looga hadlayay maareynta si xun u isticmaalka baraha bulshada iyo khataraha ka dhasha ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saaray wax ka qabashada dhibaatooyinka ay sababi karaan baraha bulshada marka si khaldan loo adeegsado.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay arrimo ay ka mid yihiin: faafinta wararka been abuurka ah, marin-habaabinta bulshada, iska horkeenka dadweynaha, hadallada naceybka, anshax-xumada, iyo baahinta muuqaallada argagaxa leh ee ay faafiyaan kooxaha argagixisada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, ayaa guddoomiyay kulanka, waxaana ka qeyb galay Agaasimayaal Guud oo ka kala socday wasaaradaha Amniga Gudaha, Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Caddaaladda iyo Dastuurka, Arrimaha Gudaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Qoyska iyo Horumarinta Haweenka, Isgaarsiinta, iyo sidoo kale saraakiil sare oo ka socotay Taliska Booliiska iyo Xafiiska Amniga Qaranka.

Kulanka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray diyaarinta Siyaasadda Qaran ee Maareynta Warbaahinta Bulshada, taasoo qeyb ka ah qorshaha xukuumadda ee lagu wajahayo khataraha ka dhasha isticmaalka khaldan ee baraha bulshada.

Ugu dambeyn, ka qeybgalayaasha ayaa isku raacay in la dardar-geliyo shuruucda iyo dadaallada lagu xoojinayo wacyigelinta bulshada si loo dhiirrigeliyo adeegsiga mas’uuliyadeed iyo wax-tarka leh ee warbaahinta casriga ah.May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people, people smiling and suitMay be an image of 3 people and textMay be an image of 12 people, dais and textMay be an image of 1 person, beard, smiling and suitMay be an image of 1 person, beard and daisMay be an image of 7 people and table
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -