XIGASHO LAACIB.NET
Mohamed Salah ayaa ku guuldareystay inuu gool dhaliyo kulankii Liverpool ay la ciyaartay Brighton, taasoo ahayd kulankooda ugu dambeeya ee ka horreeya dhamaadka xilli ciyaareedka.
Arrintaas waxay ka dhigan tahay in Kylian Mbappe uu ku guuleysan karo Kabta Dahabka Yurub 2025 haddii uu gool dhaliyo kulanka ugu dambeeya ee Real Madrid ay la ciyaarayso Real Sociedad.
Si uu Salah u helo abaalmarinta, wuxuu u baahan yahay inuu saddex gool ka dhaliyo kulanka ugu dambeeya ee Liverpool ay la ciyaarayso Crystal Palace.
Haatan, Viktor Gyökeres ayaa hoggaaminaya tartanka isagoo leh 39 gool oo u dhigma 58.5 dhibcood, balse horyaalka reer Portugal ayaa durba dhamaaday.
Mbappe ayaa haysta 29 gool, halka Salah uu leeyahay 28. Gool kasta oo laga dhaliyo horyaalka Premier League ama La Liga wuxuu u dhigmaa 2 dhibcood, taasoo ka dhigaysa tartanka mid aad u adag oo go’aankiisu yaallo kulanka ugu dambeeya.