=XIGASHO BBC SOMALI=
Laba tuhmane oo lala xiriirinayo weerarkii hoteelka Dusit D2 ee 2019, oo sababay dilka 21 qof, ayaa la hor keenay Maxkamadda Sharciga ee Kahawa ee magaalada Nairobi.
Labadan qof oo lagu kala magacaabo Xuseen Maxamed Cabdille Cali iyo Maxamed Cabdi Cali oo hore loogu soo oogay kiiskan ayaa ka soo hor muuqday xaakim Diana Kavedza, taasoo ku heshay dhammaan eedaha loo haysto.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka (ODPP) ayaa bayaan uu soo saaray Khamiistii ku sheegay in Xuseen lagu helay danbi ah in uu fududeeyay fal argagixisanimo isagoo bixinaya lacag dhan 836,900 oo shilinka Kenya ah taas oo la siiyay mid ka mid ah raggii weerarka geystay iyo 14 kale oo dheeraad ah.
“Maxkamaddu waxay ogaatay inuu fududeeyay weerarka isagoo lacag dhan Ksh.836,900 ku wareejiyay M-Pesa, habka online-ka ee lacagaha la isugu diro, taas oo uu lahaa Cali Saalim Gichunge, oo sidoo kale loo yaqaan Farouk ama Erick Kinyanjui Munyi kuna dhintay weerarkii ka dhacay hoteel Dusit iyo xubin ka tirsan kooxda argagixisada ee Al Shabaab,” ayay yiri xafiiska xeer ilaalinta ee ODPP.
“Dhaqdhaqaaqyadan ayaa dhacay intii u dhaxaysay Oktoobar 14, 2018 iyo Janaayo 12, 2019, gaar ahaan aagga Soko Mbuzi ee degmada Mandheera.”
Intii ay socotay dhageysiga dacwadda, xeer ilaalintu waxay soo bandhigtay 45 marqaati oo maragtooda ay laf dhabar u ahaayeen xaqiijinta xukunnada.
Waxa ay sidoo kale codsadeen in lagu xukumo ciqaabta ugu adag, waxayna ku baaqeen in la meesha laga saaro dammaanadda eedaysanaha labaad, taas oo lagala noqday, waxaana eedeysanaha lagu sii hayaa xabsiga Kamiti ee ugu sarreeya.
Maxkamaddu waxay amartay in lagu soo diyaariyo warbixin tijaabo ah 21 maalmood gudahood, taas oo ay tahay in la soo gudbiyo June 17, 2025.
Maxaad ka ogtahay raggii fuliyay weerarkii Dhismaha Dusit ee Nairobi?
Laanta dembi baarista ee kenya ay tan iyo markii uu weerarka dhacay ka dib waxay ku howlanayd uruurinta xogta iyo faahfaahinta labo kamid ah raggii weeraray dhismaha Dusit D2 ee magaalada Nairobi.
Maalmo kadib warbaahinta maxaliga ee Kenya ayaa kusoo warrantay in raggii weerarka geystay lagu kala magacaabo Eric Kinyanjui oo 26 sano jir ahaa markaasi iyo Farouk, kuwaasi oo la sheegay inay kasoo kala jeedaan deegaanada Kiambu iyo Nyeri.
Eric Kinyanjui, ayaa la sheegay in uu ka yimid tuulada Ngecha oo ka tirsan deegaanka Limuru halka Farouk-na la sheegay in isna in uu ku dhashay oo uu ku koray isku raranka Majengo ee magaalada Nyeri.
Booliska ayaa shegay in ragii weerarka geystay ay jeebabkooda ka soo saareen dukumiintiyo u muuqday in xogtooda laga helay, waxaana ay dowladdu shegtay inay kamid ahaayeen shantii nin ee lagu toogtay gudaha hoteelka DusitD2.
Ali Salim Gichunge oo loo yaqaano Farouk ayaa la sheegay in uusan u muuqan qof xiriir la leh koxaha mintidiinta, waxaana dadkii yaqiinay ay shegeen in uu ahaa qof iska caadi ah oo ku noolaa noolal dhexaad.
Dariska xaafaddii uu deganaa ee Ruaka ayaa Farouk ku tilmaamay in uu ahaa qof iska caadi ah, balse waxa uu caan ku ahaa oo lagu yaqaanay gaarigiisa oo uu ka dhageysan jiray miyuusik cod dheer.
Waxa uu xaafadaan oo ku taalla ismaamulka Kiambu ku noolaa tan iyo 21-kii Maarso ee sannadii tagay.
Waxay dhawaan qaateen diinta Islaamka, waxaana la aaminsan yahay in ay qaateen mabda’a Al-Shabaab. Askari ka tirsan baaraayasha kiiska ragga weerarka geystay ayaa sheegay in labadooduba la aaminsan yahay inay tageen Somaaliya halkaas oo ay uga mid nqodeen ururka Al-Shabaab.
Ugu yaraan 21 qof ayaa naftooda ku waayay, halka tobaneeyo kalena uu dhaawac ka soo gaaray weerarka.
Ciidammada gaarka ah ee dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Israaiil ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa samata bixinta dadkii ku jiray gudaha dhismaha Dusit D2 oo dowladdu ay sheegtay in laga soo badbaadiyay in ka badan 700 oo qof.