HomeWarkiiMuxuu yahay hadalka saameynta dhaliyay ee maanta ka soo yeeray Gudoomiyaha Degmada...

Muxuu yahay hadalka saameynta dhaliyay ee maanta ka soo yeeray Gudoomiyaha Degmada Kaaraan

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Saacadihii ugu dambeeyay waxaa aad baraha bulshada looga hadal hayay war maanta uu Degmada Kaaraan ka jeediyay Gudoomiyaha Degmadaasi Farax Caddaani kaasoo dadka qaar u arkeen hadal aan ku wanaagsaneyn qof xil haya.

Faarax Caddaani oo la hadlayay qaar ka mid ah shacabka degmada kaaraan islamarkaana si gaar ah uga hadlayay dadka ka soo horjeeda Dowlada iyo qorshaheeda doorashada qof iyo cod-ka ah ayaa si isbiirad leh wuxuu ugu baaqay dadka kaaraan inay maqaro iyo budad qaataan oo guryaha ugu galaan kuwa diidan doorashada iyo Dowladnimada.

“waa nasiib daro cid soo dirtay lama yaqaan, argagaxisada waa ka daran yahay,magaciisa waa la yaqaan hay’adaha amaanka  waxaan ka codsanayaa in ninkaasi gacan bir ah lagu qabto oo sharciga la hor keeno,anagaana diyaar u ah inaan maxkamad la korno”ayuu yiri Faarax Caddaani

Gudoomiyaha wuxuu sidoo kale sheegay in shaqsiga sidaas u hadlaya uusan hub wadan, uuna ku socdo wado interlock ah sidoo kalana uu gurigiisa nabad ku joogo.

“adinkaa la idinka rabaa inaad gurigiisa ugu tagtaan oo lafaha ka tuntaan,maqaro qaata ula qaata isaga iyo gurigiisa waxaad u fasaxan tihiin inaad lafaha ka tuntan, Dowladnimaduu mucaarad ku yahay , argagaxisaa soo dirtay,argagaxisaduu u shaqeeyaa, nin Dowlada mucaaradaya oo been sheegaya haduu Degmada Kaaraan deganaado adinka masuuliyada qaadaya”ayuu yiri Gudoomiye Faarax Caddaani

Qaar ka mida dadka baraha bulshada isticmaala ayaa aad u falanqeynaya iyadoo qofba si u fasirtey warka Gudoomiyaha ilaa dadka qaar ku baaqaan in xilka laga qaado.

Aqoonyahan Yaxye Sheekh Caamir ayaa ka mida dadka ka hadlay wuxuuna baraha bulshada ku soo qorey ereyo sidaan u qornaa:

“Seey ka noqotay Gudoomiyaha. Ma bururay. Dadka xoog kuma lihid ee xisaabatan”

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -