
Heshiiskan ayaa xoogga saaraya iskaashi ballaaran oo ku saabsan maalgashiga beeraha, is-weydaarsiga hababka casriga ah ee waraabka iyo danabeynta, horumarinta cilmi-baarista, iyo wada shaqeynta ganacsatada ku hawlan wax-soosaarka beeraha ee labada dal.
Is-afgaradkan wuxuu qayb ka yahay dadaallada Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee lagu horumarinayo wax-soosaarka gudaha, iyadoo la kaashanayo teknoolojiyad casri ah iyo khibrado caalami ah. Azerbaijan oo hormuud ka ah horumarka tiknoolajiyadda beeraha ayaa laga rajeynayaa inuu noqdo lamaane istiraatiiji ah oo beeraleyda Soomaaliyeed wax weyn ka faa’iideysan doonaan.
Ugu dambeyn, Wasiirka iyo wafdigiisa waxay booqdeen xarumaha cilmi-baarista beeraha iyo machadyada tiknoolajiyadda la xiriira cilmiga carada iyo kiimikada beeraha ee dalka Azerbaijan.












