MUQDIHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka amniga gudaha ee Dowlada Somalia ayaa hadalo uu xalay ka jeediyay shirkii urur siyaasadeedka Cadaalada iyo wada-jirka ayaa ka dhawaajiyay ereyo hadal heyn badan ka dhaliyay baraha bulshada iyo warbaahinta.
Wasiirka oo ka hadlayay dhismaha urur siyaasadeedkaani ayaa ereyada waxaa ka mid noqotay inay Dowladu iska qabaneyso qofkii ka hor yimaada dhismaha Ururka siyaasadeedka uu madaxda ka yahay Madaxweyne Xassan Sheekh.
“waxaa loo siman yahay min Somaliland,Khaatumo, Puntland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur galbeed,banaadir iyo jubaland-ba waa ku dhan yihiin caawa intana waxaa weeye waxaa la rabaa inay ka furtaan axsaabtaan xisbiga la yiraahdo Wada-jirka iyo Cadaalada, midka diidahaya ee leh ma la furaayo waa la iska qabanayaa insha Allaah ,maxaa yeelay waxa loo socda waxa weeye dimuquraadiyad,midnimo iyo wada-jir”ayuu yiri Wasiirka Fartaag
Sidoo kale wuxuu sheegay inay u diyara garoobeen doorassho dadweyne islamarkaana loo baahan yahay in lagu soo biiro urur siyaasadeedkooda.
Si kastataba hadalkaan ayaa aad loo wad wadaa tan iyo xalay iyadoo loo jiidayo in Wasiirku hanjabayo, sidoo kalana Dowladu xisbigeeda awooda dowlada ku meel marsaneyso walow wasiirka ay suurtagal tahay inuu si kale ula jeeday.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM