MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay dil naxdintiisa leh kaasoo ahaa laba isku aabe iyo hooyo ah oo is dilay.
Gacan ku dhiigle Aadan Yuusuf Aadan ayaa mid ku dilay walaalkiis la dhashay Shuceyb Yuusuf Aadan.
Dhacdadaani ayaa ka dhacday Degmada Howlwadaag gaar ahaan nawaaxiga isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho,waxaana dilkaani sababay sida la sheegay muran soo kala dhex galay labada walaalo.
Ciidamada Dowlada ayaa gacanta ku dhigay gacan ku dhiigle Aadan Yuusuf Aadan,waxayna u gudbiyeen eybta danbi-baarista CID.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM