HomeCiyaarahaNuno Mendes oo si cad u shaaciyay cidda ku guuleysaneysa Ballon d’Or...

Nuno Mendes oo si cad u shaaciyay cidda ku guuleysaneysa Ballon d’Or ka sanadkaan

XIGASHO LAACIB.NET

Difaaca bidix ee xulka Portugal, Nuno Mendes, ayaa taageeray Ousmane Dembele oo xulka France ah, wuxuuna si cad u sheegay in Dembele uu ku guuleysanayo abaalmarinta Ballon d’Or ee sanadkan.

Mendes ayaa arrintan ka sheegay shir jaraa’id kadib guushii xulkiisu ka gaaray Spain ciyaartii kama dambaysta ahayd ee UEFA Nations League Axaddii.

Da’yarkan 22 jirka ah ayaa kulankaas ka hortagay musharraxa kale ee Ballon d’Or – Lamine Yamal – waxaana uu si weyn u xakameeyay dhaq-dhaqaaqiisa, isaga oo sidoo kalena dhaliyay goolkii bareejada ee koowaad ee kooxdiisa.

Hadda Mendes wuxuu taageero u muujiyay saaxiibkiisa Paris Saint-Germain, Dembele, in uu abaalmarinta dafayo.

Wuxuu yiri:

“Ballon d’Or? Waxaan la ciyaaraa Ousmane [Dembele] wuxuuna ku naalooday xilli ciyaareed cajiib ah. Lamine sidoo kale si wanaagsan ayuu u ciyaaray, balse Ousmane wuxuu ka qeyb galayaa Club World Cup, Lamine se ma joogi doono, markaa aad baan ugu faraxsanahay Ousmane.”

“Wuxuu la kulmay dhaawacyo badan intii uu joogay Barcelona, ka hor intii uusan imaan PSG, balse waa ciyaaryahan yaab leh. Aad ayaan u jeclahay, ciyaaryahan ahaan iyo qof ahaanba.”

“Waxaan u rajeynayaa guul, aniga iyo saaxiibadiisuna waan ka caawin doonaa sidii uu ku gaari lahaa Ballon d’Or,” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Mendes.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -