Nin loo haysto inuu Al Shabaab ka tirsanaa oo Maraykanka lagu maxkamadeynayo
=XIGASHO BBC SOMALI=
Ninkan oo lagu magacaabo Cholo Abdi Abdullah oo da’diisa lagu sheegay 35 sano, laguna helay “argagixisonimo” ayaa dib u dhigay xukunkiisa ka dib markii uu codsaday inuu kiraysto qareenno marka la eego heerka ay dacwaddiisu marayso, ka dib markii uu muddo dhowr bilood ah diiddanaa in ay qareenno xagga sharciga ku matalaan.
Muddadii ay dacwadiisu socotay ayaa ninkaas wuxuu sheegay inuusan rumaysnayn hanaanka cadaaladda ee Maraykanka inuu yahay mid sharci ah, taasoo ahayd sababta uu u diiddanaa inuu qareenno qabsado.
Wuxuu kaloo diiday in xukuumaddu ay qareenno u qabato.
Isniintii ayaa xaakim heer degmo ah, Analisa Torres waxay xukunka Cholo dib u dhigtay ilaa iyo 7 April, ka dib markii ay wadahadal gaar ah la yeelatay ninkaas oo goor sii horreysay sheegay in uu iminka doonayo qareenno maxkamadda horteeda ka matala.
“Waxaan ka fekerayey in aan helo qareenno cusuboo i matala. Ma doonayo in labadaas qareen ay i matalaan. Waxaan doonayaa in wax kasta hadda la bilaabo” ayuu yiri Cholo.
Waxa uu wajahayaa xukun xabsi daa’in ah, oo la xiriira 3 ka mid ah 6da eed ee loo haysto. Seddexda eed ee kale ayaa kiiba wuxuu wajahayaa 20 sano oo xabsi ah.
Maxkamaddan ku taalla Manhattan ee ay fadhido Xaakim Torres ayuu ka hor sheegay inuusan doonayn inuu isdifaacid sameeyo markii uu sheegayey inuusan dambi galin.
Inkastoo ay suurtogal tahay inuu racfaan qaato, ayaa haddana dambiyada 6da ah ee lagu helay waxay yihiin kuwo weli jira.
Ninkan oo laga soo qabtay dalka Filibiin 1 Luulyo 2019 ayaa xarigiisu wuxuu ka dambeeyey markii hooyadii ay booliska ku wargelisay inuu ku biiray kooxda Al Shabaab. Wuxuu xilligaas ku sugnaa degmo yar oo ay ku nool yihiin dad in yar ka badan 55,000 oo qof.
Waxaa lagu soo qabtay bastoolad ay rasaas ku jirto, qalab wax lagu qarxiyo, iyo agab loo isticmaalo in laga sameeyo bambooyinka.
Xilligaas ayaa saraakiisha amniga iyo kuwa sirdoonka ee Maraykanka, Filibiin iyo Kenya waxay ka wada shaqaynayeen sidii kiis loogu soo oogi lahaa Cholo, ka dib markii hooyadii ay ku wargelisay waaxda dambi baarista ee Kenya (DCI) in wiilkeeda 35 jirka ah uu ku lug leeyahay AL Shabaab.
Ilaa hadda waxaa la sheegay in ninkaas uu wadashaqayn la sameeyey maamulayaasha, oo xataa uu u sheegay FBIda cidda isaga hagaysay, kaasoo uu magaciisa ku sheegay Cali Salim Gichunge oo magaca kale ee loo yaqaanno uu yahay Faaruuq, iyo nooca falka “argagixiso” ee ay qorshaynayeen. Cholo iyo Gichunge ayaa la sheegay in labadaba ay ku dhasheen, kuna soo koreen Isiolo, ka hor intii aysan ku biirin Al Shabaab 2015.
Waxaa kaloo soo baxday in Cholo Abdi markii uu ku biiray Al Shabaab 2015 ka dib loo tababaray dagaalyahannimo, ka hor inta uusan u safrin Filibiin sannad ka dib oo uusan halkaa ka bilaabin tababar duuliyenimo. Waxbarashadiisa Filibiin ayaa la sheegay in ay ka bixinayeen Al Shabaab.
Xilliga la xiray ayey wararku sheegayaan inuu ku jiray dabayaaqada waxbarashadiisa, waxaana la rumaysan yahay inuu doonayey in khibradiisa duuliyenimo uu ku afduubi lahaa dayaarad ganacsi oo uu ku dhufan lahaa dhisme ku yaalla magaalada Atlanta, si la mid ah weerarradii 9/11 ee lagu qaaday xarunta ganacsiga adduunka ee New York.
Wararku waxay sheegayaan inuuba helay ruqsadda duuliyenimada ee dayaaradaha gaarka ah, taasoo micnaheedu yahay in loo ogolaaday inuu dayaarad duuliyo.
Dembi baarayaashu waxay eegeen taariikhdiisa daalacashada internetka, halkaasoo ay ka ogaadeen inuu baari jiray sida loo jabiyo shirka dayaaradda ee duuliyeyaashu fariistaan, si uu dayaarad u afduubo, dabadeedna ugu dhifto dhisme dheer. Wuxuu kaloo internetka ka baari jiray sida loo sameeyo waxyaabaha qarxa.=
=XIGASHO BBC SOMALI=
Maxaa kala qabsaday Milateriga Somalia iyo Alshabaab dagaal culus oo ka dhacay duleedka Xudur










Ciidamada Sudan oo dib ula wareegay garoonka diyaaradaha Khartuum
KHARTOUM (DAYNIILE.COM)- Ciidamada Sudan ayaa sheegay in ay dib u qabsadeen garoonka diyaaradaha ee Khartoum kadib dagaal ay la galeen kooxda falaagada ee RSF.
Talaabada maantaay ciidamada Sudan ku qabsadeen Garoonka diyaaradaha ayaa muujinaysa guulihii ugu dambeeyay ee agaga dagaalka,waxayna u muuqataa inay dhawaan soo afjari doonaan kooxda RSF .
La wareegitaanka ciidamadan ayaa ku soo beegmaya maalin kadib markii lagu eedeyay mid ka mid ah duqeymihii ugu khasaaraha badnaa ee dhanka cirka ah ee ka dhaca dagaalka, kaasoo lagu dilay ugu yaraan 270 qof suuq ku yaala galbeedka gobolka Darfur, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.
Ka dib markii ay dib ula wareegeen madaxtooyada Jimcihii iyo garoonka oo maanta la qabtay waxay guul weyn u tahay rajada shacabkla reer Sudan oo dowladnimadoodii usoo laabaneyso.
“Koonfurta caasimadda, ciidamadeenu waxay ku hareereeyeen deegaanka istiraatiijiga ah ee Jebel Awliya saddex jiho oo kala ah waqooyi, koonfurta iyo bari,” ilo ka tirsan militariga ayaa u sheegay AFP.
“Haraadigii Maleeshiyada RSF-ta ayaa ka cararaya Wabiga Niilka ee buundada Jebel Awliya” ayuu yiri,sarkaalkaasi oo milateriga u hadlay isaga oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, sababtoo ah looma ogola in uu Warbaahinta la hadlaan
Guud ahaan Khartoum, goob-joogayaal iyo hawl-wadeenno ayaa soo sheegay toddobaadkan in dagaalyahannada RSF ay u ruqaansadeen dhinaca koonfureed, oo ay u muuqdaan inay ku wajahan yihiin Jebel Awliya.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
XOGTA: Khilaaf soo kala dhex-galay Xasan Sheekh iyo Cali Guud-laawe oo saameyn ku yeeshay dagaalka
CADDALE (DAYNIILE.COM)-Warar hoose ayaa sheegaya inuu jiro xurguf weyn oo u dhexeysa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Cali guud-laawe oo ah madaxweynaha Maanulka Hirshabelle xili madaxweynuhu maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Caddalle ee Gobolka Shabeelaha dhexe si uu dagaalka u hago.
Wararka aan heleyno waxay sheegayaan in Cali Guud-laawe aaminsan yahay in Madaxweyne Xassan u gacan dhaafay arimaha hoose ee hirshabelle inkastoo aan la hubin in taasi tahay gunta hoose ee xurgufta u dhexeysa.
Guud ahaan safaradii uu Xasan ugu laab laabanayay Hirshalle laba ka mida Cali Guud-laawe kama soo muuqan soo dhaweynta Madaxweynaha taasoo calaamadeyneysa khilaafka jira.
Warar kale ayaa sheegaya in qabsashada saaka ee Masaajid Cali guduud ay qeyb ka tahay khilaafka madaama reerka hoose ee Guud-laawe ay degaan inkastoo aan la dhihi karin waa ku xumeys madaxweyne xassan ah.
Wararku waxay tilmaamayaan in khilaafaadka Dowlada dhexdeeda ay Alshabaab ka faa’iideysanayaan sida saaka dhacdayba .
Lama yaqaan sida ugu sahlan ee waxgaradka reer Hirshalle ,dhaqanka iyo siyaasiyiinta Muddulood ay u xalin karaam khilaafkaan xili dagaal adagna lagu jiro.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
XOGTA: Madaxweyne Xasan oo si caro leh uga hadlay talaabada Alshabaab saaka ku qabsadeen Degmada Masaajid Cali-guduud
MASAAJID CALI-GADUUD (DAYNIILE.COM)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay weerarkii saaka ay Alshabaab ku qabsadeen Degmada Masaajid Cali-guduud ee Gobolka Shabeelaha dhexe halkaasoo gacanta Dowlada ku jirtay labadii sano ee la soo dhaafay.
Madaxweyne Xassan ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanku si sahlan uga soo baxaan Degmadaasi islamarkaana ay saaka iska difaaci waayaan alshabaab.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in Madaxweynuhu amray in Alshabaab aysan caawa ku hooyan Masaajid Cali guduud islamarkaana inta ka sokeysa dedeg looga saaraa.
Wararka waxay sidoo kale xusayaan in ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaankuba hada ka dheereeyn Degmada Masaajid Cali guduud oo ay ku sugan meel aad ugu dhaw.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ciidamada u sheegay in taakuleyn ciidan la siin doono iyo waliba caawimaad dhanka diyaaradaha cirka ah balse looga baahan yahay inay ilaa galabta dib gacanta Dowlada ugu soo celiyaan Masaajid Cali guduud.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Wariye qaatay kaarka aqoonsiga Dowlada oo jir-dil iyo xabsi la isgu daray
GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo dhanka Puntland ayaa sheegaya in wariye reer Puntland ah la isugu daray xarig iyo jir-dil kadib markii uu Gaalkacyo dhanka Galmudug ka soo qaatay kaarka aqoonsiga muwaadinimo Dowlada Somalia.
Ciidamada Booliska Puntland ayaa la soo sheegayaa inay wariyaha qabteen kadibna jir dil iyo xarig isugu dareen madaama hore maamlka Puntland uu u mamnuucay qaadashada kaarka aqoonsiga ee Dowlada Somalia ay bixiso.
Wariyaha la xirey oo lagu magacaabo Dalmar Socdaal ayaa xalay laga qabtay Magaalada Gaalkacyo dhanka Puntland wuxuuna ilaa iminka u xiran yahay Booliiska Puntland.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee dhanka Puntland Faysal Shiikh Cali (Jifojabsade) ayaa hore u shaaciyay inaan Puntland ogoleyn qaadashada kaarka aqoonsiga ee heer faderaal isagoona ugu hanjabay qofkii qaata in talaabana ay ka qaadi doonaan islamarkaana uu lumin doono xuquuqdiisa muwaadnimo ee Puntland.
Ururada saxaafada Puntland ayaa ka xumaaday falkaani lagula kacay wariyahaasi madaxa banaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Gudiga doorashooyinka oo maanta war cusub soo saaray
MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka iyo soohdimaa Dowlada Somalia C /kariin Axmed Xasan ayaa ka hadlay waqti kordhin ay u sameeyeen is diiwaan galinta urarada Siyaasada.
Masuulkaani wuxuu shaaciyay inay ku dareen waqtigii hore 21 maalmood sababo uu ku shaagay xaq lahaanshaha qof kasta oo Soomaali ah ee doonaya inuu is diiwaan geliyo.
“Saaxada siyaasada dalka si uu xaq ugu yeesho qof walba oo Soomaaliyeed waxaan is diiwaan galinta urarada aan ku darnay mudo 21maalmod” ayuu yiri Gudoomiye C/kariin.
Gudoomiye C/kariin mar uu sharaxaad dheeraad ah ka bixinayay sababta waqtiga ay ugu dareen ayuu sheegay inay ka codsadeen siyaasiyiinta dooneysa inay is diiwaan geliyaan.
“sidaad la socotaa waqtiga aan hore ugu qabanay inay ku egtahay is diiwan gelinta ururrada siyaasada ayaa ahayd 31-ka Bishaan March oo maalmo yar ay ka harsan yihiin sidaas daraadeed waxaa naga codsaday inaan 21 maalin ugu darno siyaasiyiinta dooneysa inay diiwaan geliyaan waana ka aqbalnay”ayuu yiri Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka C/kariin Axmed Xassan
Dhanka kale lacagta is diiwaan gelinta mar uu ka hadlayay gudoomiyaha wuxuu ku celiyay inay tahay 10-kun doolar sidii horaba loogu shaaciyay marka laga reebo ururadii is diiwaan geliyay ee hore lacagta u bixiyay balse kuwa cusub waa laga rabaa.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Shacabka Gaza lagu xasuuqay 24-kii saac ee ugu dambeeyay
GAZA (DAYNIILE.COM)-Ugu yaraan 38 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ay ku qaadday Qaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, hal qof oo mayd ah ayaa laga soo saaray burburka, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee deegaankaas.
Militariga Israa’iil ayaa sidoo kale sii wada duqeymaha Suuriya, iyagoo ugu yaraan lix qof ku dilay Deraa, waxaana cambaareeyay Qatar iyo Sacuudi Carabiya.
Mareykanka ayaa sii wada duqeymaha uu ka geysanayo Yemen, iyadoo saraakiisha ugu sareysa ay wajahayaan baaritaan ku saabsan la wadaaga qorshayaasha militariga saxafiga xilli ay koox ku wada sheekeysanayaan app-ka fariinta Signal-ka.
Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 50,183 falastiiniyiin ah la xaqiijiyay in ay dhinteen 113,828 ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza.
Xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Gaza ayaa cusboonaysiiyay dhimashadeeda in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumanaan Falastiiniyiin ah oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.
Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay 7-dii Oktoobar 2023 in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Abiye Ahmed oo fariin lala yaabay u gud-biyay shacabka Tigreega
DAYNIILE.COM