Home Blog Page 16

Dowlada ka hadashay degmooyinka maata ku soo biiray qaadashada kaararka doorashooyinka+SAWIRRO

Muqdisho, April 26, 2025: Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si habsami leh uga wada 13 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka dalka ee ku saleysan qof iyo cod.
Degmooyinka cusub ee maanta ay guddiga ka hawlgaleen ayaa waxaa ka mid ah Kaaraan, Hodan, Warta Nabadda, Yaaqshiid, Heliwaa iyo Hawlwadaag, kuwaas oo si weyn loogu soo baxay goobaha diiwaangelinta dadweynaha si ay muwaadiniintu u helaan shahaaddada codbixinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka ka dhacaysa.
Horay waxaa diiwaangelinta dadweynaha ee gobolka Banaadir looga bilaabay toddoba degmo oo kala ah: Shangaani, Xamar Weyne, Shibis, Xamar Jajab, Boondheere, Waaberi iyo Cabdicasiis.
Qaar ka mid ah bulshada is diiwaangelineysa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegtay in ay ku faraxsan yihiin in markii ugu horeysay ay fursad u helayaan in ay soo doortaan madaxdooda.
Dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waayeellada iyo dadka xiisaha badan u haya in ay gutaan xuquuqdooda muwaadinnimo, kuna ciil baxaan codkooda ayaa si weyn uga soo muuqday goobaha ay ka socoto shaqada diiwaangelinta dadweynaha ku nool degmooyinka gobolka Banaadir.May be an image of 6 people and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 8 people and textMay be an image of 3 people, people studying, newsroom and textMay be an image of 2 people, crowd and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 8 people and textMay be an image of 9 people and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 8 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 3 people, people studying, newsroom and textMay be an image of 3 people, people studying and text

Dowlada oo markii ugu horeysay wariyayaasha u furtay tababar ku saabsan tabinta doorashooyinka

May be an image of 2 people, dais and textMuqdisho 26, April, 2025: Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay aqoon isweydaarsi ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee tabinta doorashooyinka dalka oo ay ka qeyb galayaan 25 wariyaal ah oo ka kala socda Warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo Warbaahinta Qaranka.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo aqoon isweydaarsiga furay ayaa sheegay in ahmiyaddu ay tahay kor u qaadista doorka Warbaahinta ee tabinta doorashooyinka, iyadoo marwalba saxaafaddu tabintooda ku dhisaysa kalsoonida dadweynaha, sugnaanta, daahfurnaanta iyo u sinnaanta dhinacyada doorashada.
Wasiir Daa’uud Aweys ayaa kula dardaarmay Wariyaasha ka qeyb galaya tababarkan iyo guud ahaan Warbaahinta in ay saaran tahay mas’uuliyad la xiriirta jiheynta dadweynaha iyo ilaalinta dhismaha nabadda marwalba, gaar ahaan xilligani oo lagu jiro marxalad dowladdu gacanna kula dagaalayso khawaarijta, gacanna ku gudanaysa waajibka ka saaran in dadweynahu doortaan cidda maamulaysa.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sharaxay ujeedada tababarkan oo Wasaaradda Warfaafinta uu ka taageeray xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in diiradda la saarayo xoojinta Anshaxa Warbaahinta ee tabinta doorashooyinka dalka.
Tababarkan ayaa soconaya laba maalmood waxaana uu diiradda saarayaa xoojinta fahamka Warbaahinta ee kaalintooda baahinta doorashooyinka iyadoo ay bixinayaan khubarro ku xeeldheer saxaafadda.May be an image of 5 people, dais and text that says "MEDIA ETHICS IN ELECTORAL COVERAGE Sat $Sun26-27 Sun? April aprid, 2025 Hotel Mogadshu Somalia supportedy INTMIS UNTMIS MIS UNT"May be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 16 people, table, dais and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 10 people, table, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of ‎text that says "‎ทส WASAARADDA WARFAAFINTA, DHAQANKA IYO DALXIISKA الإعلام وزارة والسياحة والثقافة Federal Governm Ministry of Information, Culiture and ourism ANSHAXA WARBAAHINTA EE TABINTA DOORASHOOYINKA MEDIA ETHICS IN ELECTORAL COVERAGE دلستم ・・ 田いも Sat & Sun 26-27 April, 2025 Gobsoor Hotel Mogadishu Mogadishu-Somalia -Somalia supported by UNTMIS UNTMIS‎"‎

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhoweeyay dhiggiisa Ruushka

Mogadishu, April 26, 2025 – Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa ku soo dhoweeyay maanta oo Sabti ah Gegidda Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho, dhiggiisa, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Ruushka ahna Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka ee Arrimaha Bariga Dhexe iyo Wadamada Afrika, Mudane Mikhail Bogdanov.
Labada dal ayaa waxa ay wadaagaan xiriir taariikhi ah oo soo jireen ah, waxa ayna doonayaan inay ballaariyaan iskaashiga si loo horumariyo dano wadaagga labada dowladood iyo labada dad.
Waaxda WarbaahintaMay be an image of 7 people, aircraft and suitMay be an image of 9 people and suitMay be an image of 2 people and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 1 personMay be an image of 1 personMay be an image of 1 personMay be an image of 2 people, suit and daisMay be an image of 2 people and textMay be an image of 2 people, the Oval Office and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and text

Urur Gobaleedka Iskaashiga Bariga Afrika oo amaan u soo jeediyay hanti-dhowrka Somalia+SAWIRRO

Xoghayaha Guud ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika Marwo Veronica Mueni Nduva, ayaa si weyn u bogaadisay doorka firfircoon ee ay Soomaaliya kaga jirto BBA, gaar ahaan dadaallada uu muujiyay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), intii ay socotay Baarista Maaliyadeed ee Hay’adaha Dowladda ee BBA.
Bogaadinta ayaa timid kadib markii Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, uu si rasmi ah uga qaybgalay Kulanka 47-aad ee Golaha Wasiirrada Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), oo 25kii April 2025 lagu qabtay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.
Intii lagu guda jiray kulanka, Guddiga Hantidhowrka ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa soo bandhigay warbixinta baarista maaliyadeed ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ee sanadkii dhammaaday 30-ka Juun 2024, iyada oo si gaar ah loo ammaanay kaalinta iyo taageerada uu bixiyay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS.
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa xoojiyay dadaallada lagu horumarinayo wada-shaqaynta uu la leeyahay hay’adaha iyo ururrada – heer caalami iyo heer gobol, si loo kordhiyo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka maaliyadeed ee gobolka, loona adkeeyo kaalinta Soomaaliya ee dunida.May be an image of 10 people and suitMay be an image of 8 people and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 6 people, dais and text

Saciid Dani oo si toos ah uga hadlay gogoshii Madaxweyne Xasan dhigay

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa markii ugu horeysay si toos ah uga hadlay mowqifkiisa gogoshii uu dhawaan ku casuumay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Saciid Dani oo ka hadlayay Munaasabad Tababar loogu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Puntland ayaa sheegay in shirka Madaxweyne Xasan ku dhawaaqay uusan marna ka qeybgaleyn haduu yahay golaha wada tashiga qaran.
“shirka NCC hore ayaan uga soo baxnay bishii December sanadkii 2022-kii markii laga leexday wixii Soomaali ku heshiisay oo ugu horreeyo Dastuurka, illaa laga laabtana kama qeybgaleyno”ayuu yiri Saciid Dani
Warka Saciid Deni ayaa ku soo aadaya xili dhawaan saxaafada iyo baraha bulshada lagu faafiyay in Saciid Dani aqbalay shirka Madaxweyne Xassan  kadib cadaadis kaga yimid beesha Caalamka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Ciidamada Pakistan iyo India oo xuduuda ku dagaalamay

KASHMIR (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Hindiya iyo Pakistan ayaa rasaas isweydaarsaday maalintii labaad oo toos ah ka dib markii rag hubaysan ay 26 qof ku dileen gobolka Kashmiir ee ay Hindiya maamusho ee Pahalgam horaantii todobaadkan, iyadoo India ay ku eedaysay Pakistan weerarka.

Ra’iisul wasaaraha Pakistan Sharif ayaa sheegay in waddanku uu diyaar u yahay inuu difaaco madax-bannaanidiisa balse uu u furan yahay dhexdhexaad  baaritaan caalami ah oo lagu sameeyo weerarka.

Booliska iyo askarta hubeysan ayaa guryaha iyo keymaha ka baaraya dagaalyahanada Kashmir, waxaana taliyaha ciidamada India uu dib u eegis ku sameeyay ammaanka gobolka.

Saraakiisha Hindiya ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo hubin lahaa in dhibic biya ah uusan aadin Pakistan, ka dib markii ay joojisay ka qaybgalka heshiiska biyaha ee Indus ee muhiimka ah weerarka ka dib.

Labada dal ayaa qaaday tallaabooyin diblomaasiyadeed oo adag, oo ay ka mid yihiin xidhitaanka xuduudaha dhulka, jarista ganacsiga iyo cayrinta shaqaalaha amniga.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMIndia, Pakistan exchange gunfire for 2nd day as ties plummet after attack |  Reuters

Degmooyin ay ka mid yihiin Kaaraan,Hodan iyo Warta Nabada oo saaka u dareeray qaadashada kaararka doorashooyinka qof iyo cod

MUQDISHO (DAYNIILE.Qaar ka mida degmooyinka Muqdisho sida Hodan,Warta-nabada iyo Kaaraan waxaa saaka u dareereen ama safaf u galeen qaadashada kaararka doorashooyinka qof iyo cod oo Dowlada Somalia ay qorheyneyso in Golaha deegaanka marka hore lagu doorto kadibna xilalka Dowlada guud ahaan ilaa madaxweyne lagu doorto.

Hore waxaa sida oo kale kaararka looga qaaday degmooyinka xebaha ku teedsan qaarkood sida C/casiis,shangaani,Xamarweyne,Xamar-jajab iyo Waaberi.

Degmooyinka Saaka safafka loogu jiro qaadashada kaararka doorashooyinka waxay u badan yihiin kuwa ugu dadka badan uguna dhul weyn Degmooyinka kale ee Magaalada Muqdisho, hay’adaha amaanka ayaa aad u adkeeyay amaanka shacabka .

Qaar badan oo ka mida dadweynaha oo TV-ga qaranku wareystay ayaa muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin inay 56 sano kadib ay codkooda ku ciil bixi doonaan madaama ay qaateen kaararka cod bixinta.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMNo description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Maamulka Jubaland oo sida Puntland diiday kaarka aqoonsiga Soomaaliya

Dawlad-goboleedka Jubaland ayaa markiisa sida Puntland waxay ku dhawaaqeen inaysan aqoonsaneyn kaarka aqoonsiga Soomaaliya ee Dowlada Faderraalku bixiso.

Maamulka Jubaland wuxuu shaaciyay inaanu deegaanadooda ka shaqeyn doonin kaarkaasi madaama aysan aqoonsaneyn ka maamul ahaan xili khilaaf weyn kala dhaxeeyo Dowlada Somalia.
Warka soo baxay Jubaland ayaa lagu sheegay in samaynta kaarka aqoonsiga muwaadinka ee Soomaaliya uu yahay mid aan sharci ahayn, isla markaana aan heshiis lagu wada ahayn kaadhkaasi.

Warka jubaland ayaa ku soo aadaya xili dhawaan sidaas oo kale Maamulka Puntland ugu gacan sayray kaarkaasi iyagoona uga digay shacabkooda inay qaataan kaarkaasi madaama ay Dowlada isku dhacsan yihiin.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Maxaa ka jira in berito digniino Amni laga  bixiyay Muqdisho

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in hay’adaha amniga ee Dowlada Somalia ay digniino ka bixiyeen suurtagalnimada in Alshabaab berito oo sabti ah qaraxyo ka geystaan Muqdisho.
Meelaha sida gaarka ah digniintu ugu socoto waxaa lagu sheegay goobaha dadka badan isugu yimaadaan.
Sidoo kale Digniintaan waxay ku soo aadeysaa xili berito Degmooyinka Hodan iyo Kaaraan ay u balansan yihiin qaadashada kaararka cod bixinta doorashooyinka qof iyo cod gaar ahaan tan deegaanka Gobolka banaadir.
Wariyayaasha caanka ka ah baraha bulshada qaarkood ayaa caawa xayaysiin hab beeleed ku saleyaan waxay u sameynayan kaar qaadashada beri iyagoo ka dhigaya in labada degmo ay ku tartamayaan labada beelood ee ugu badan Muqdisho.
Safaf dhaadheer ayaa lagu wadaa inay galaan shacabka labadaas Degmo hadii aanay dowladu u baajin sababo amni
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

In ka badan 480 qof oo shacab ah oo lagu dilay Gobolka Darfur

In ka badan 480 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerarro ka dhacay gobolka Waqooyiga Darfur ee dalka Suudaan laba toddobaad gudahood bishan, iyadoo weerarada qaar ay salka ku hayaan isir, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii sheegay in ay diiwaan geliyeen ugu yaraan 481 qof oo rayid ah oo lagu dilay Waqooyiga Darfur tan iyo 10-kii Abriil iyo in “tirada dhabta ah ay u badan tahay in ay aad uga badan tahay”.

Waxa kale oo ay sheegtay xad-gudubyo galmo oo baahsan oo ka dhacay gobolka, oo ay ku jiraan wiilal iyo gabdho yaryar, iyada oo ku tilmaantay weerarrada kuwo laga naxo.

“Dhibaatada haysata dadka Suudaan waa ay adag tahay in la qiyaaso, way adagtahay in la fahmo oo si fudud aan macquul ahayn in la aqbalo,” ayuu madaxa xuquuqda ee Qaramada Midoobay Volker Turk ku yiri bayaanka.

Waqooyiga Darfur waxa ay noqotay goob muhiim ah oo dagaal ka qarxay April 15, 2023, kaas oo u dhexeeya ciidamada Sudan, ee uu hogaamiyo Abdel Fattah al-Burhan, iyo jabhada Rapid Support Forces (RSF), oo uu hogaamiyo ku xigeenkii hore ee al-Burhan, Mohamed Hamdan Daglo.

Tobanaan kun ayaa lagu dilay dagaalka, kaasoo dhaliyay wax ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay dhibaatada bini’aadantinimo ee ugu xun adduunka.

 

Displaced people ride a an animal-drawn cart, following Rapid Support Forces (RSF) attacks on Zamzam displacement camp, in the town of Tawila, North Darfur, Sudan April 15, 2025. REUTERS/Stringer TPX IMAGES OF THE DAY

- Advertisement -

news

Murf AI

0
Murf AI: The Ultimate Platform for High-Quality Voiceovers in Multimedia Content In present day day virtual international, content introduction is extra important than ever. Whether...

book store near me

HOT NEWS