Home Blog Page 22

Sarkaal ka tirsan Maamulka Galmudug oo goor dhaw lagu dilay Gobolka Galgaduud

CABUD-WAAQ (DAYNIILE.COM)-Sarkaal ka tirsan ilaalada Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa goordhow lagu dilay inta u dhaxaysa Balanbale iyo Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud xili safar ay ku jireen.
Allaha u naxariistee ninkaan oo lagu magacaabo Sadi Caanood ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa saraakiisha ilaalada Madaxweyne xigeenka Maamulka Galmudug walina si rasmi ah looma oga kooxda dishay waxay yihiin.
Wararka qaar ee horu dhaca ah ayaa sheegaya in loo maleynayo in aano qabiil loo dilay sarkaalkaani oo aaney siyaasad ama alshabaab midna ku lug lahayn walow baaritaan la bilaabay sida wararka qaar durba sheegayaan.
Ciidamo ka tirsan madaxtooyada Galmudug ayaa dhaq dhaqaaqa baaritaanka bilaabeen kuwaasoo lagu wado inay saxaafada la wadaagay cida rasmiga ah ee ka danbeysa dilka sarkaalkaani.
Sidoo kale waxaa Sadi Caanood la socday saraakiil kale kuwaasoo la sheegay inay ka bad-baadeen shirqoolka lagu dilay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
h.May be an image of 1 person

Khaliif C/Qaadir Mucallim Nuur oo maanta ku dhawaaqay inuu yahay musharax Madaxweyne

May be an image of ‎3 people, dais and ‎text that says "‎SAMA XS SHIRWEYNAHA URUR SIYAASADEEDKA SAMADOON Ari2, نان April 21, 2025 SMS SS‎"‎‎MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Khaliif C/Qaadir Mucallim Nuur oo xilal dhow ah ka soo qabtay Dowladihii ugu danbeeyay ee dalka soo maray ayaa maanta xamar kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Khaliifka oo ay reer hoose isku yihiin Madaxweynaha ayaa waxaa dhalay mid ka mida culumaa’udiinka ugu caansan Soomaaliya Macalin Nuur Maxamed Siyaad.
Boqolaal dad ah ayaa soo camirey munaasabada uu maanta uga dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne iyadoo khud-booyinka  laga soo jeediyay.

Isla munaasabada waxaa maanta Khaliifka loogu doortay Gudoomiyaha xisbi ama Urur siyaasadeed la magac baxay Samadoon  kaasoo uu kaga qeybgeli doono doorashooyinka madaama xisbiyo laga dhigay doorashada soo socota.
Xilalka uu soo qabtay waxaa ka mid ah Xildhibaan,Wasiir iyo Safiir oo uu hadaba yahay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of ‎one or more people, crowd and ‎text that says "‎XS SHIRWEYNAHA URUR SIYAASADEEDKAS SAMADOON منن April 21, 2025 SMS‎"‎‎May be an image of 7 people, dais and text that says "RAMAS X.S 台路 MADOA ን 3aKa3mo HΥKAR SHIRWEYNAHA URUR SIYAASADEEDKA SAMADOON April 21, 2025 SMS TV"May be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais, crowd and text that says "SaT SAMA X.S SHIRWEYNAHA URUR SIYAASADEEDKA SAMADOON April 21, 2025 SMS aTbl TV"May be an image of 1 person, dais and text that says "XS XS SHIRWEYNAHA URUR SIYAASADEEDKA SAMADOON I April21, April 21, 2025 SMS つ"

Maxaa looga aamusan yahay Allah u naxariista Taliye Ismaaciil Tol iyo Dowlad, qabiil dhan oo hal shaqsi in uu maalgaliyo rabo waxu gacan adkaa

Maxaa looga aamusan yahay Allah u naxariista Taliye Ismaaciil Tol iyo Dowlad, qabiil dhan oo hal shaqsi in uu maalgaliyo rabo waxu gacan adkaa

Wasiir Fiqi muxuu kala hadlay hogaamiyaha Ahlu suna

May be an image of 4 people, dais and textMUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka arimaha dibada Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay hogaamiyaha ruuxiga ah ee Ahlu Suna Wal Jameecah Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan.

“Sharaf iyo farxad weyn ayay Ii ahayd maantay in aan xafiiskayga wasaaradda Arimaha dibadda ku qaabilo hogaamiyaha ruuxiga ah ee ASWJ Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan” ayuu yiri Wasiir Fiqi oo baraha bulshada ku shaaciyay kulanka uu la yeeshay Sheekha
Wasiir Fiqi iyo Sheekha waxay ka wada hadleen Waxaan ka wada hadalnay in fikirka xagjirka ee argagixisadu uu khatar ku yahay diinta, dalka iyo dadka Soomaaliyeed .
Sidoo kale waxay isla garteen inay meel uga soo wada jeestaan kooxaha xag-jirka ah islamarkaana dawladda lagu garab istaago la dagaalanka Alshabaab iyo Daacish.
“Sheekh Maxamuud wuxuu leeyahay taariikh dheer oo ku suntan la dagaalanka argagixisada iyo fikirka xagjirka ah”ayuu yiri Wasiir Fiqi
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMNo description available.May be an image of 2 people, dais and text

Musharax Cabdi-Farax Shirdoon oo sharaxaad ka bixiyay qodobadii uu kala hadlay Madaxda sare ee Dalka

Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi-Faarax Shirdoon Saacid ahna musharax madaxweyne oo dhawaan Muqdisho soo gaaray ayaa shalay kulan kla yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Musharax Cabdi-Faarax Shirdoon wuxuu sheegay inuu dhowr qodob uu kala hadlay Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha sida doorashooyinka iyo amniga.

Ra’iisulwasaarihii hore ayaa bartiisa facebook wuxuu soo dhigay qoraal uu ugu horeyn ugu mahadcelinaayo casuumaada uu ka helay madaxda sare ee dalka sidoo kalana wuxuu ku sharaxay qodobadii uu kala hadlay sidan ayuuna u qornaa:-

WAR-SAXAAFADEED
Guddoomiyaha Xisbiga Nagaad ahna Musharrax Madaxweyne, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), waxa uu ka mahadcelinayaa casuumaaddii ay u fidiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Kulamadaas, Musharrax Madaxweyne Saacid waxa uu madaxda qaranka u soo jeediyey sida ay muhiim u yihiin:
1: In arrimaha cakiran ee amniga iyo siyaasadda loo furdaamiyo si wadatashi ku dhisan;
2: In si gaar ah arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka lagu saleeyo wadar ogol;
3: In ummadda Soomaaliyeed ay u midoobaan ciribtirka argagixisada dalka aafeysay, loona sameeyo dib-u-habeyn iyo dhiirrigelin ciidamada Qaranka.
DHAMMAAD

Dowlada oo xalisay mid ka mida dhibaatooyinkii furimaha dagaalka ka jirey

Open photoTaliska Ciidamada Xooga Dalka ayaa xal ka gaarat mid ka mida dhibatooyinkii ka jirey furimaha dagaalka kaasoo u hiilinayay dhanka kooxda Alshabaab.

Taliyaha Guutada 27-aad ee Abuudujaanah, Gaashaanle Saalim Cumar Axmed ayaa maanta ciidamo badan hortooda ka shaaciyay in Dowladu mamnuucday in askartu muuqaalo ka duubaan furimaha dagaalka kadibna baraha bulshada dhigaan.

“Askarigii lagu qabto isagoo duubaya ciidanka, si toos ah ayaa maxkamad loo horgeyn doonaa.” ayuu yiri Gaashaanle Saalim Cumar Axmed

talaabadaan uu qaaday taliska ciidamada xooga ayaa muhiim u ahayd inay Dowladu hore u qaado madaama dhibaatooyin badan laga dhaxlay Mobile-da ay ciidamadu furimaha la joogaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo maanta daah-furey Hirgelinta Siyaasadda Shaqaalaha Rayidka ah+SAWIRRO

May be an image of 1 person, dais and text that says "(d d"Muqdisho, Isniin, 21 Abriil 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo daahfuray Hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ah, ayaa sheegay in siyaasaddani tahay mid xoojinaysa cududdada shaqaalaha Soomaaliyeed.
Mudane Xamsa, ayaa xusay in siyaasaddani ay beddeli doonto nidaamkii hore ee muddo dheer lagu maamulayey shaqaalaha dowladda, isla markaana ay horumarin doonto shaqo-gudashada, caddaaladda iyo kor-u-qaadista kartida Shaqaalaha Rayidka ah.
“Maanta waa maalin muhiim u ah Qaranka iyo Shaqaalaha Dowladda, daahfurka siyaasaddan Qaran waa mid kamid ah qorsheyaashii ugu muhiimsanaa ee la ansixiyay, taas oo ah guul, waxa aan rabnaa in golaha wasiirrada iyo shaqaalaha dowladda dhammaantood si isku mid ah loo dhaariyo, si ay daacad ugu addeeggaan dalkooda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saartay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, siyaasaddanina ay ahmiyad weyn u leedahay dhanka maamul-wanaagga iyo caddaaladda shaqo ee dalkeenna, taas oo qeyb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka, oo dib loogu casriyeynayo hey’adaha dalka, laguna tayeynayo dowladnimada.
Siyaasadan cusub waxay ku saleysan tahay qiimayn buundo-tirsi oo gaaraysa 1,000 dhibcood, iyadoo lagu eegayo afarta tiir ee kala ah: aqoon iyo khibrad, masuuliyad, dadaal (maskax iyo jir), iyo duruufaha shaqada. Waxay dajinaysaa 8 heer darajo ah (A ilaa G). Nidaamkan wuxuu meesha ka saarayaa eexda, wuxuuna xaqiijinayaa mushaar la jaanqaadaya waxtarka qofka shaqaalaha ah.
— Dhammaad —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
May be an image of 7 people, suit and weddingMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 1 person and text that says "Cd DÉCALÉ AIPOOR H I ٥ C"May be an image of 2 people, people studying and text that says "ALÉ LÉ"May be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 peopleMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 5 people and beardMay be an image of 3 people and beardMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people and beardMay be an image of 4 peopleMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 5 people and beardMay be an image of 7 people

Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka oo kulan xasaasi ah yeeshay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa y kulan la qaatay guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Kulanka labada guddoomiye ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan howlaha ay wadajirka u leeyihiin ka shaqeyntooda.

Guud ahaan kulanka waxaa  diiradda loogu saaray dardargelinta howlaha baaxadda leh ee horyaala Baarlamaanka 11-aad iyo sidii looga howlgeli lahaa shuruucda hortebinta u leh horumarka dowladnimadeenna.

Kulanaan sidoo kale wuxuu ku soo aadayaa xili kulankii ugu dambeyaye ee baarlamaanka Soomaaliya uu u baaqday buuq iyo fowdo ay ku fureen qaar ka mida Xildihbaanada kuwaasoo ka hor yimid Gudoonka xili ay xitaa burburyeen makaroofanka.May be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people and dais

Ciidamo Turki ah oo ka qeyb-qaadanaya dagaalada Alshabaab oo soo gaaray Muqdisho

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Diyaarado Milateri oo siday ciidamo u dhashay dalka Turkey ayaa la sheegay inay soo gaareen Magaalada Muqdisho kuwaasoo qorshuhu yahay inay ka qeyb-qataan dagaalada ka dhanka ah Alshabab,waxaana tiradooda lagu sheegay 500 walow qeybo kale ay iman doonaan.

Diyaaradahaan oo laba ahaa sida la sheegay 2 maalin ka hor sioo gaaray Magaalada Muqdisho waxaana la xaqiijiyay in halkey dagayaan ,siday u howlgalayaan,caafimaadkoda iyo dhamaan tasiilaadkooda ay iyaga wataan.

Dowlada Somalia waxay uga baahan yihiin kaliya dad la shaqeeya oo kala tusa degaanada Soomaalida iyo meelaha alshabaab ku xoogan yihiin balse waxaa la sheegay in taliskooda uu gaar  u noqon doono,waxayna  wataan diyaarado casri ah oo kuwa dagaalka.

Imaanshaha Ciidamadaan waxaa dalbaday Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh si uu degdeg uga adkaado alshabaab,sidoo kale Baarlamaanka dalka Turkey ayaa dhawaan ansixiyay qorshaha ciidamada turkida loogu dirayo Somalia kadib mooshin kaga yimid Madaxweynaha dalkaasi.

Qandaraaska Ciidamadaani ay ku howlgeli doonaan ayaa mudo 2 sano ah inay dhulka iyo cirkaba kala dagaalamaan kooxda Alshabaab oo maalmihii ugu dambeeyay dhul cusub ka qabsaday gobolka Shabeelaha hoose waliw Milateriga Somalia dadaal badan muujiyeen islamarkaana dhul balaaran ka saareen Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Kulamo ka tirsan tartanka Kubbadda kolleyga degmooyinka Muqdisho oo galabta ka dhaaya Wiish Stadium

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Galabta Garoonka Wiish Stadium lagu ciyaarayaa ciyaaro ka tirsan tartanka Kubbadda kolleyga degmooyinka Gobolka Banaadir ee sanadkaani 2025.

Galabta waxaa la ciyaari doonaa 2 kulan oo ay isku arki doonaan 4 degmo kuwaasoo kala ah Shibis,Kaxda,Waaberi iyo Wada-jir.

kulanka hore oo bilaaban doona 2-da duhurnimo waxaa isaga hor iman doona labada Degmo ee kala ah Shibis iyo Kaxda.

Sidoo kale ciyaarta danbe ee blaabaneysa 4-ta galabnimo ama 10-ka saac waxaa isaga hor iman doona Waaberi iyo Wada-jir.

Ciyaarta kubada koleyga oo ah tan labaad ee loogu xiisa badan yahay Somalia ayaa waxaa garoonka Wiish aad u soo buux dhaafiya taageerayaasha jecel ciyaarahaasi kuwaasoo dhinacyada la kala safan.

Shalay  DegmadaShinigaani ayaa ka badisay dhigeeguul ka gaartay dhiggeeda Dayniile. Tartanka Kubbadda kolleyga degmooyinka G. Banaadir 2025.

Shingaani 36 -47 Deyniile.

XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COM.COM

May be an illustration of text that says "ኢት ccmocй ဆ0 ASTAAN ር- MALCH TARTANKA KUBADA KOLAYGA DEGMOOYINKA GOBALKA BANAADIR 2025 新店 IavIna CEN SHIBIS KAXDA APR2 21, 02:00 PM WIISH STADIUM BEMЮKWHHEEHA peemHoй LAEAJI WAABERI WADAJIR APR 21, 04:00 PM WIISH STADIUM f astaansports"

- Advertisement -

news

Etsy – Shop for handmade, vintage, custom, and unique gifts

0
Etsy is more than an online market it is a pulsating world center in which creativity thrives and combines buyers with independent suppliers that...

book store near me

Murf AI

HOT NEWS