Home Blog Page 26

Maxaa ka jira warka ugu hadal heynta badnaa caawa ee is casilaada Odawaa

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa aad loo faafiyay warbaahin iyo baraha bulshadaba inta inuu warqad is casilaad ah gudbiyay Taliyaha Ciidamada Xoogga Taliye Odowaa Yuusuf Raage islamarkaana uu Madaxweynuhu ka diiday.

Guud ahaan jiritaanka warkaan ayaa been ah sida aan xogta ku helnay balse waxaa jira arimo kale oo la isku hayo sida in hogaanada hoose ee hogaaminta ciidamada Xooga dalka la badalo.

Sidoo kale waxaa jira hadal heyn kale oo xooggan iyana taasoo ah in Cali Jeyte xil looga magacaabi rabo hogaanka ciidamada inkastoo aan la sheegin xilkaasi nuucuu yahay.

Sdoo kale waxaa sidoo kale la faafiyay wararka sheegaya in madaxweynaha loo jeediyay inuu Mahad Salaad soo celiyo balse waxaa xogaha hoose sheegayaan inuu warkaasi jiro balse uu si cad u diiday madaxweyne Xassan oo muujiyay inuu ku kalsoon yahay Taliye Sambaloolshe iyo shaqada uu ka hayo sirdoonka qaranka.

Guud ahaan wararkaani maanta ilaa caawa noqday kuwo ugu badan ee la hadal hayo hadana badankood beenta ah waxaa keenay shirka madaxtooyada ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Taliye odowaa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Madaxweynaha Maamulka Somaliland “Colaad sokeeye oo degde ah ayuu horseedi kartaa socdaalkii Xamsa Cabdi-Barre”

HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland C/raxmaan Cirro oo khudbad maanta jeediyay ayaa mar kale si kulul uga hadlay socdaalkii dhawaan uu Ra’iisulwasaaraha Somalia ku tagay qeybo ka mida waqooyiga Somalia gaar ahaan Laas-caanood.

Madaxweyne Cirro oo meelo badan ka hadlay ayaa soo hadal qaaday socdaalkii Ra’iisulwasaare Xamse wuxuuna sheegay inuu keeni karo imaanshahaasi colaad sokeeye.

“Colaad sokeeye oo degde ah ayuu horseedi kartaa socdaalkii Xamsa Cabdi-Barre” ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Somaliland

Caalamka ayuu kaga dacwooday isagoo ku celceliyay in socdaalkaasi iyaga dhankooda uu xad-gudub ku yahay madaama ay sheeganayaan in wali Laas-caanood dhankooda tahay xili dhowr sano ka hor ay maamul SSC Khaatumo ka dhaho dhisteen islamarkaana ay aqoonsi xitaa ka heleen xukuumada Somalia.

Sidoo kale C/raxmaan Ciroo wuxuu carabka ku adkeeyay in Dowlada Soomaaliya ay ku soo qaaday dagaal qaawan si ay ugu Khalkhal u geliso, una wiiqdo dadaallada nabadaynta, iyo walaaleynta ah ee ay Somaliland waddo sida uu warkiisa u dhigay.

” Waxa aan ka digeynaa in xadgudubkaasi uu sababi karo colaado sokeeye oo soo degdega.” ayuu mar kale yiri Cirro.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo gudoomiyay shir looga hadlayay dardargelinta dagaalka Alshabaab+SAWIRRO

Muqdisho, Axad 20 Abriil 2025: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta guddoomiyay shirar muhiim ah oo uu la yeeshey guddi hoosaadyada abaabulka iyo wacyigelinta, iyo kan dhaqaalaha iyo taakuleynta.

Shirarkan ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dardargelinta dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Shabaab iyo Daacish, iyada oo la adkeynayo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda, bulshada rayidka ah, iyo la-hawlgalayaasha amniga.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in ujeeddadu tahay in la xoojiyo nidaamka sugidda amniga dalka, iyo sidii loo dhisi lahaa bulsho ka madax bannaan cabsi iyo xagjirnimo.
— Dhammaad —May be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 2 people, beard, suit, newsroom and daisMay be an image of 1 person, dais and newsroom
May be an image of 2 people, newsroom and daisMay be an image of 1 person, dais and newsroomMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person, newsroom and daisMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and newsroomMay be an image of 1 person, dais and newsroom

Wax ka ogoow sababta kaliftay buuqii shalay ka dhacay  Golaha Shacabka ee Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Hasan Idiris kana mid ah gudiga sare ee dib u eegista dastuurka ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ku sharaxayo sababtii keentay buuqii shalay kaliday in fadhiga baarlamaanka lagu kala tago.
Xildhibaanka qoraalkiisa ayaa sidan u qornaa:
Wax ka ogoow saldhigga Sharciyadeed ee doodaha hareereyey fadhigii Golaha Shacabka shalay buuqa dhaliyey.
waxaan rajeynayaa inaad qoraalka oo dhan wada akhrin doontid si aad adiga lafa-ahaantaada ugu go’aan qaadato qodobada aan soo qaadan doono oo dhamaantooda aan ka soo qaadan doono Dastuurka & Xeer-hoosaadka Golaha shacabka.
Waxaan u kala qaadeynaa sadex qaybood.
1- Qodobka dastuurka ee Gudoomiyaha u cuskadey xil waayidda Xildh. Abiib.
2- Qodobka Xildhibaanada doodda qaba ay cuskanayaan ee Dastuurka. 3- xeer hoosaadka sidiisaba waxa uu u taagan yahay.
Qod; 59aad, Faqradiisa 1aad , Xarafka D, waa sida ay xilalka kuwaayeen , Taliyihii hore ee NISA Mahad salad, Taliyaha hadda ee NISA Abdullahi mohamed Ali Sanbaloolshe, Agaasimaha Hay’adda socdaalka & Jinsiyadaha Mustaf Dhuxuloow Iyo sidoo kale Gudoomiyaha Golaha wakiilada KGS Amb. Ali Fiqi. Lifaaqa hoose fiiri) Waa habraaca ku cad Qodobkan 59aad Faqrooyinkiisa.
Sidoo kale Qodobka: 8aad ee Xeer hoosaadka Golaha Shacabka halkan ayaan ku lifaaqey wuxuu la mid yahay Qodobka 59aad sida uu qoraayo isla faqrooyinkiisa oo lagu sii kordhiyey ilaa 3 Faqro oo Faahfaahin dheeri ka sii bixinaaya. (fiiri lifaaqa)
2- Doodda xildh.Iyo saldhigga doodooda qodobadaba ay u cuskanayaan qodobka 9aad ee Xeer-hoosaadka oo lala akhriyey Qod: 70aad ee Dastuurka, qodobadaas ayagana halkan hoose ayaan ku lifaaqey , waxay ka hadlayaan Xasaanadda xildh. Xasaanadda waxaa laga hadlayaa marka aad xildh haysatid lakiin hadiiba aad dhex gashey Shuruudihii xil-ka aad ku wayn la ahayd oo ay ka mid yihiin wax yaabaha aan halkan hore ku soo hoga-tusaaleeyey, maba lihidba Xasaanad laga doodo.
Marka si kale loo dhigo Qodobna wuxuu ka hadlayaa “XIL WAAYIDDA” Qod; kalena wuxuu ka hadlayaa “ QOF XILKIISA HAYSTA “ ee lakiin dood ka qaba inaan la ilaalin xasaanadii xilkaasi uu ku heley” .
Maxaa la gudboon xildh. Doodda qaba? Waa inay mooshin ka keenaan qodobka 59aad ee Xil-waayidda Xildhimaanka, Qodobka si ooo bedelo waxay u baahan tahay 184 Xdh oo ah cod qarsoodi ah (Secret Ballot).
intaas Wixii dhaafsan waxay la mid tahay ayagoo Xildh mar hore xilkiisa waayey xil cusub oo aan doorashana soo gelin u raadinaaya!

Madaxweyne Xassan oo diiday talooyin lagu siiyay inuu hogaanka ciidamada wax ka badalo

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa 24-kii saac ee u dambeysay baraha bulshada qabsaday warar sheegaya in madaxweynuhu xilka ka qaadayo Taliyaha Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe islamarkaana lagu badalayo Taliyihii hore ee Mahad Salaad.

Faafida wararka nuucaani waxay ka dhasheen talooyin la sheegay in Madaxweyne Xasan lagu siiyay inuu wax ka badalo qaar ka mida hogaanada ciidamada sida taliska Nabad sugida oo kale.

Madaxweyne Xasan waxaa la soo sheegayaa in talooyinkaasi ay gaareen balse uu gabi ahaanba ganafka ku dhuftay oo diiday xiligaan adag in lagu sii degdego xil ka qaadis iyo magacaabis cusub intaba.

Madaxweynaha oo kulan muhiim ah la qaatay saraakiisha Milateriga oo uu hogaaminayay Taliye Odowaa ayaa kala hadlay arimo aan bulshada loo gudbin laakiin uun ku saasan sidii loo xalin lahaa qaladaadka ka dhacay ciidamada iyo hogaankooda kuwaasoo sababay in guul darooyinkii ugu dambeeyay ee sababay in Alshabaab qabsadaan degmadii ugu horeysay oo Gobolka Shabeelaha dhexe ka mida .

Wararka baraha bulshada lagu faafiyay oo loo ekeysiiyay in xilkiiba laga qaaday Sambaloolshe ayaa aad loogu wareejiyay sawirada taliyihii hore ee NISA Mahad Salaad .

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

Masuul ka tirsanaa qunsuliyada Itoobiye ee Puntland oo meydkiisa laga helay Laas-caanood

LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Laas-caanood ee Xarunta Maamulka SSC Khaatumo ayaa sheegaya in la dilay Faarax Caydiid Jaamac oo ka mid ahaa saraakiisha ka shaqeysa Qunsuliyada dowladda Itoobiya ee magaalada Garoowe.

Kooxaha dilay ninkaan ayaa la soo sheegayaa inay xalay kala baxeen gurigiisa oo ku yaala Magaalada Laas-caanood ugu danbeyna waxaa maanta meydkiisa laga helay degaanka Goojacadde ee duleedka Magaalada Laas-caanood.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ka hor intaan nafta la dhaafin in la jir dilay Faarax Caydiid Jaamac  Allaha u naxariistee.

Mamaulka SSC-Khaatumo wali kama  hadlin dilkaan iyo su’aalaha ku xeeran sida cida ka danbeysa iyo ujeedka loo dilay intaba.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person, beard, smiling and glasses

Madaxweyne Xassan oo goor dhaw qaabilay Musharax Cabdi Faarax Shirdoon.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada ku qaabilay Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid hadana ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaiya marka doorashooyinka la gaaro.

War ka soo baxay Villa Somalia oo lagu baahiyay kulankaani ayaa ujeedka shirka waxay ku sifeeyeen la-tashiyada qaran ee uu Madaxweynuhu la qaadanayo waxgaradka, masuuliyiinta iyo haldoorka bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxtooyada waxay xustay in Madaxweynuhu kala hadlay Cabdi-Faarax Shirdoon xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliy iyo guud ahaan xaalada dalku xiligaan ku sugan yahay.

Waxay sidoo kale isla soo qaadeen muhiimadda dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo garab istaagga Ciidamada qalabka sida sida lagu cadeeyay warbixinta Villa Somalia.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 2 people and dais

Dagaal culus oo alshabaab iyo Dowlada ku dhexmaray Deegaanka Ceelasha biyaha

CEELASHA BIYAHA (DAYNIILE.COM)-Kooxda Alshabaab ayaa xalay dagaal waxay ku soo qaadeen saldhiga ciidamada Dowlada ay ku leeyihiin deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo hubka nuucyadiisa kala duwan la isku weydaarsaday ayaa sababay khasaare labada dhinac kala gaaray.

Ciidamada Dowlada ee la weeraray oo Nabad sugida iyo Booliiska isugu jira ayaa alshabaab ku jabiyay weerarka ay xalay soo qaadeen iyagoona ka dhigay mid ay dileen mid dhaawacmay iyo mid cararay taasoo soo afjartay dagaalka.

Deegaanka Ceelasha biyaha oo laga waardiyeeyo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan ciidamo aad u badan oo aadna u hubeysan kuwaasoo nabad sugid,milateri iyo booliisba isugu jira.

Dhanka kale Hay’adaha amaanka Dowlada wali si faahfaahsan ugama hadlin dagaalka xalay ay soo qaadeen kooxda Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Safiirka Somalia ee Mangolia oo laga gudoomay waraaqaha aqoosniga 

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Mongolia, Marwo Hodan Cismaan Cabdi ayaa si rasmi ah nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbisay agaasimaha habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mongolia, Mudane Ts. Ankhbayar.
Danjire Hodan ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay bilowga waajibaadkeeda cusub, ayna ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka labada dal, kor u qaadida iskaashiga laba geesoodka ah iyo in la ballaariyo fursadaha wadashaqeynta gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, waxbarashada iyo isdhaafsiga dhaqanka.
Soomaaliya iyo Mongolia waxa ay xiriir diblomaasiyadeed yeesheen 28-kii Febraayo 1971, waxaana muddo ka badan 50 sano naga dhaxeeyay xiriir saaxiibtinnimo iyo iskaashi ku dhisan ixtiraam, wadashaqeyn iyo aragti mideysan oo ku aaddan nabadda iyo horumarka caalamka.No description available.No description available.

Isu soo baxyo looga soo hor-jeedo siyaasada Donald Trump oo ku sii badanaya Mareykanka

WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Waxaa dalka Mareykanka ku sii badanaya dibad-baxyada shacabka Mareykanku dhigayaan kuwaasoo looga soo horjeedo siyaasada Madaxweynaha Mareykanka ee Donald Trump gaar ahaan talaabooyinkii ugu dambeeyay uu qaaday.

Magaalooyinka Mareykanka waxaa ku soo badanaya kumaan dad ah kuwaasoo muujinaya sida ay uga soo horjeedaa siyaasada  Madaxeyne Trump.

Sida BBC-du sheegtay Mudaaharaadyadan oo loo yaqaan “50501”, oo ah “50 mudaaharaad, 50 gobol, 1 dhaqdhaqaaq”, ayaa loo qorsheeyay in ay la jaanqaadaan sannad-guuradii 250-aad ee bilowgii Dagaalkii Xorriyadda ee Mareykanka.

Banaan baxayaasha ugu badan waxaa lagu arkayaa xarumaha ganacsiga Tesla, afaaafka hore ee aqalka cad iyo bartamaha magaalooyinka waa weyn,dadka ayaa u muuqda kuwo hal ujeedo leh.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMaraykanka iyo bannaabaxa ka dhana Trump

- Advertisement -

news

book store near me

0
Are you looking for a library near me? That you are a lover of books who seek the last success of sales, a student...

Murf AI

HOT NEWS