whitebackground600
Home Blog Page 31

Ajaanibta Somaliland ku sugan oo loo qabtay 3 maalin inay ku baxaan

War ka soo baxay Maamulka Somaliland, ayaa lagu shaaciyay go’aan deg deg ah oo ka soo baxay Wasaarada arimaha gudaha iyo amniga.
Dhamaan ajaanibta sharci darada ku joogta ayaa lagu amray inay dhulka Maamulka Somaliland uga baxaan mudo sedex maalin gudahood ah.

Mudada sedex maalin ee loo qabtay ajaanibta waxay ka bilaabaneysaa maanta oo taariikhdu tahay 30 April 2025, waxayna ku egtahay 02 May 2025 oo ah maalinimada Jimcaha.

amarkaan maaha markii ugu horeysay ee Maamulka Somaliland uu ka soo baxo hore ayay dhowr mar sidan oo kale ugu dhawaaqeen amarkaan waxaana ugu badan ajaanibta Itoobiyaanka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Ma cadaadis mise hab raac sharci, maxaa lagu fasiray go’aanka ka soo baxay guddoomiye Aadan Madoobe?

=XIGASHO BBC SOMALI=Tiro badan oo ka mida mudayaasha golohaas ayaa si cad ugu horyimi tallaabada guddoomiyaha.

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacbaka ee barlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa lagu sheegay in kurisiga sumadiisu tahay HOP120 uu guddoomiyuhu dib ugu celiyey guddiga Xeer-hoosaadka, daryeelka, anshaxa iyo xasaanadda ee golohaas si ay ugu tala bixiyaan dibna Golaha ugu soo celiyaan.

Kursigaas HOP120 oo ku fadhiyo xildhibaan Cabdilaahi Xaashi Abiib ayaa warqad uu soo saaray isla guddoomiye Aadan Madoobe 15 maarso lagu sheegay in xubinimadii looga qaaday xildhibaankaas ka dib sida qoraalka lagu sheegay markii uu soo xaadiri waayey fadhiyada golaha.

Tiro badan oo ka mida mudayaasha golohaas ayaa si cad uga horyimi tallaabada guddoomiyaha iyagoo ku tilmamay inay tahay “mid sharciga baalmarsan oo aan loo marin habraacii saxda ahaa”

Ilaa xilligaas xildhibaanada ka soo horjeeda tallaabadaas ayaa si isdaba jooga ugu hadlayey ilaa ay mar dambe tiro xildhibaan ah oo gaaraya boqol sida ay sheegteen ay ku dhawaaqeen mooshin ka dhan ah guddoomiyaha Goloha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe. Dadka la socdo arrintaasi ayaa isku xiriirinaya mooshinkaas iyo baaqasho ku yimid fadhiyada baarlamaanka inkastoo aysan BBC-du si madaxbannaan u xaqiijin karin.

Habdhowraha golaha Shacabka Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in guddoomiyaha uu garowdsay tabasho ay soo jeediyeen xildhibaanadu oo ahayd in habraacii uusan soo marin taasoo ahayd inaan la soo marin guddiga xeer-hoosaadka ka dibna uu u diray guddiga hadda.

Ka dib qoraalka, xildhibaano sheegay inay yihiin kuwa abaabulay mooshinka ka dhana guddoomiyaha golaha shacabkaa ayaa saxaafada kula hadlay Muqdisho iyagoo ka horyimi warqada ka soo baxay guddoomiyaha ee ku saabsan kiiska xildhibaab Cabdillaahi Xaashi Abiib.

Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab), oo akhriyey war-saxaafadeedka xildhibaanada ayaa sheegay in khaladaad ku jiray warqadaasi.

“Waxaa noo soo baxday khaladaadka ku jiray, In uusan guddoomiyaha si toosa ugu laaban go’aankii maamul ee sharci daradda ahaa ee uu yiri waxaan xubinimada ka xayuubinay xildhibaan Dr Abiib 15-kii maarso, waxay ahayd inuu soo saaro go’aan maamul oo uu uga noqonayo warqadii sharci daradda ahayd oo uu ku saxiixan yahay lehna tixraac la raaco, annagoo ah xildhibaanadii saxiixay mooshinka waxaan cadaynaynaa in warsaxaafaeedkii ka soo baxay guddoonka golaha shacabka aynan ku qanacsanayn, mooshinkii guddoomiyaha ee xil ka xayuubintana sidii u taagan yahay”, ayuu yiri xildhibaan Carab oo war-saxafaeedka akhriyey.

Ma cadaaadis mise hab sharci ayaa sababay ka laabashada warqadii horeMaxamed Mukhtaar oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya

Sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Mukhtaar oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya, in guddoomiyuhu ka laabto go’aankiisii ayuu qaba inay keentay cadaadiska soo kordhay.

“Tallaabada uu qaaday guddomiyaha markii horeba waxay lahayd mid sharci iyo mid siyaasadeed, mid waxay tahay waxaa uu dastuurka ka qabo xildhibaanada iyo sida loola dhaqmo, midna waxay tahay habraaca baarlamaanka dhexdiisa isku maamulo, midna waxay tahay habdhaqanka ka dhaxeeya barlamaanka gudihiisa intaa waa qayb ka mida sharciga, dhinaca kale waa khilaafka siyaaseedka ee ay keeni karto marka guddomiye xilka ka qaado xildhibaan, marka waxa moodaa labadaas oo is kaashaday inuu guddoomiyuhu ka laabto,” ayuu yiri Maxamed Mukhtaar.

Mukhtaar, wuxuu intaa raaciyey insayna qarsoonayn inuu culays ka jiray arrintas iyo in fadhiyo baarlamaanka oo baaqday ay taasi tahay culays siyaasadeed.

Dhanka kale habdhowraha golaha Shacabka Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux, oo BBC-da la hadlay ayaa meesha ka saaray in warqada ka soo baxay guddooomiyaha aysan ku imaan cadaadis la xiriira mooshinka ay ku dhawaqeen xildhibaano ka tirsan golahaas uusana jirin mooshin soo gaaray iyaga.

Sida Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabku ku waayi karo xubinimadiisa

Sida ku cad xeer-hoosaadka baarlamaanka qodobka 8-aad, xubinimada barlamaanka waxaa lagu limin kaaraa dhowrkan qodob.

  • Xubinta oo geeriyoota.
  • Xubinta oo ay la soo gudboonaato xaalad xil-gudasho la’aaneed oo joogto ah.
  • Xubinta oo istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay, lagana ogolaado.
  • Ka-maqnaansho labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga ayada oo aanay jirin sabab maangal ah.
  • Haddii ay xubintu aqbasho xil dawladeed aan wasiir ka ahayn.
  • Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaaddinnimo, si waafaqsan sharciga.

Prof Maxamed Cumar Dalxa, oo mudda dheer horrey uga tirsanaa golaha shacabka soona qabtay xilka gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golahaas, ayaa BBC-da u sheegay in xafiiska barlamaanka oo la socda howlaha ay u gudbiyaan sabab ka mida qodobadas kore ay la wadaagayan guddoonka markaasna guddoonka u gudbinayo guddiga xeer hoosaadka, daryeelka, anshaxa iyo xasaanadda barlamanaka si ay tallo ugu soo bixiyana kadibna ay ku soo celiyaan gole weynaha ka dibna loo bandhigo golaha sida qodobka 59-aad ee dastuurka dalku uu qabo.

Xiisadda ka dhex oogan xildhibaanada golaha shacabka qaarkood iyo guddoonka ayaa ah mid taagan xiili uusan sidoo kale wali dib u furmin fadhigii golohaas.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sanadkii yeesha labo Kalfadhi oo kiiba socdo muddo afar bilood ah taas oo macnaheedu yahay in golayaashu siddeed bilood ay sanadkii yeeshaan labada kalfadhi iyo fadhiyo halka ay afar bilood fasax yihiin.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Baarlamaanka Soomaaliya

Maxaabiistii Puntland soo deysay oo Hargesa gaartay+SAWIRRO

May be an image of 12 people and helicopterHARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Maxaabiistioi reer Somaliland ee ay puntand soo deysay ayaa saacado kadib si nabad waxay ku gaareen Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Maxaabiistaan oo maamulka Puntland uu ugu soo labisay nuuca suudka ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Magaalada Hargeysa.

Boqor Buur-Madow ayaa Garoowe mar uu saaka tagay wuxuu aad ugu amaanay maamulka Puntland sida qurxoon ee ay labiseen maxaabista reer Somaliland inkastoo hadaladiisu u badnaayeen kuwa qabyaalad badan ay ka muuqatay iyo kala qeybinta Somaliweyn.

Boqor Buur-Mado ayaa saaka hore usii raacay maxaabiista reer Puntland ee ay sii daayeen reer Somaliland,wuxuuna la tagay Garowe isagoona hore usoo kaxeeyay maxaabiista reer Somaliland ee iyaguna ay reer Puntland soo daayeen.

Maxaabiis is dhaafsigaan ayaa imaanaya xili dhawaan uu Laas-caanood tagay Ra’iisulwasaaraha Somalia Xamza Cabdi-Barre si uu u abooro jawigaan wuxuuna xabsiyada laas-caanood uu ka soo daayay maxaabiis reer Somaliland kadibna Hargeysa ayuu u direy inkastoo Muqdisho ay dhowr maalin ku nasteen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 16 peopleMay be an image of 12 people and helicopter

May be an image of 14 peopleMay be an image of 10 people and weddingMay be an image of 14 people and textMay be an image of 13 people and textMay be an image of 14 people

DAAWO: Aadan Madoobe oo xanaaq dartiis ereyo meel ka dhacyo ah afkiisu ka soo baxeen

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa maanta dib loo furey shirarkii Golaha shacabka ee Baarlamanaka Soomaaliya xili uu shir gudoominayo Gudoomiye Aadan Madoobe iyo xubnaha kale ee gudoonka kala shaqeeya.

Madaama maalmihii ugu dambeysay uu jirey khilaaf soo kala dhex-galay gudoonka iyo xildhibaano diidan go’aankii Aadan xasaanada looga qaaday Xildhibaan Abiib ayaa waxaa maanta baarlamaanka ka dhacay iyo gacan ka hadal.

Gudoomiye Aadan Madoobe oo isku dayaya inuu fadhiisiyo xildhibaanada fowdada iyo buuqa wada ayaa waxaa ka mid ah erayadiisa   Xildhibaan Caana-nuug Jiis ayaa tahay fariiso,Xildhibaan Jeesow waaad duqowday  Fariiso.

Haddaba halkaan ka daawi buuqa iyo gacan ka hadalka laga wadi waayay shirkii qabsoomi lahaa iyo ajandihii laga hadli lahaa:-

Xigasho muuqaalka Universal TV.

 

Dowlada Somalia oo digniin culus ka soo saartay faafinta been abuurka iyo dacaayadaha Alshabaab

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowlada Somalia ayaa digniin culus ka soo saartay faafinta been abuurka iyo dacaayadaha Alshabaab.
Warsaxaafadeedka ayaa sidan u qornaa:
Warsaxaafadeed
Muqdisho, 30 Abriil 2025: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka warhaysaa baraha bulshada iyo shaqsiyaad ku howlan faafinta warar been abuur ah oo lagu qalqal gelinayo amniga dalka. Dhacdadii ugu dambeysay ee been abuurka ahayd waxay la xiriirtay weerar hoobiyayaal ah oo Khawaarijtu ku beegsadeen qaybo ka mid ah Muqdisho.
Warbaahinta taageerta Khawaarijta iyo shaqsiyaad baraha bulshada isticmaala oo aan hubin xaqiiqda ayaa si aan sugneyn u faafiyay warar sheegaya in weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday Xerada Xalane iyo qeybo ka mid ah Garoonka Muqdisho, ayna ku dhinteen dhowr qof oo ajanabi ah, war gabi ahaanba ahaa been abuur iyo buunbuunin laga badbadiyay.
Khawaarijta Al-Shabaab ayaa sameeyay weerarro aan lahayn bartilmaameed cad oo lagu dhibaateeyay shacabka Muqdisho, iyaga oo adeegsanaya hoobiyayaal si dhuumaalaysi ah loo soo tuuray, kuwaas oo marar badan geystay khasaaro rayid ah, oo ay ku jireen carruur u socotay dugsi Qur’aan oo toddobaadyo ka hor dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa shaqsiyaadka ku hawlan baahinta wararka been abuurka ah iyo dacaayadaha Khawaarijta, kuwaas oo si toos ah ama dadban uga qayb qaadanaya qalqal gelinta amniga shacabka, gudaha iyo dibaddaba. Dowladda waxay uga digaysaa falalkan khatarta ku ah amniga bulshada, waxayna ka qaadi doontaa tallaabooyin sharciga waafaqsan.
–DHAMMAAD–

Warsaxaafadeed
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka digtay Faafinta Been Abuurka iyo Dacaayadaha Khawaarijta
Muqdisho, 30 Abriil 2025: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka warhaysaa baraha bulshada iyo shaqsiyaad ku howlan faafinta warar been abuur ah oo lagu qalqal gelinayo amniga dalka. Dhacdadii ugu dambeysay ee been abuurka ahayd waxay la xiriirtay weerar hoobiyayaal ah oo Khawaarijtu ku beegsadeen qaybo ka mid ah Muqdisho.
Warbaahinta taageerta Khawaarijta iyo shaqsiyaad baraha bulshada isticmaala oo aan hubin xaqiiqda ayaa si aan sugneyn u faafiyay warar sheegaya in weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday Xerada Xalane iyo qeybo ka mid ah Garoonka Muqdisho, ayna ku dhinteen dhowr qof oo ajanabi ah, war gabi ahaanba ahaa been abuur iyo buunbuunin laga badbadiyay.
Khawaarijta Al-Shabaab ayaa sameeyay weerarro aan lahayn bartilmaameed cad oo lagu dhibaateeyay shacabka Muqdisho, iyaga oo adeegsanaya hoobiyayaal si dhuumaalaysi ah loo soo tuuray, kuwaas oo marar badan geystay khasaaro rayid ah, oo ay ku jireen carruur u socotay dugsi Qur’aan oo toddobaadyo ka hor dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa shaqsiyaadka ku hawlan baahinta wararka been abuurka ah iyo dacaayadaha Khawaarijta, kuwaas oo si toos ah ama dadban uga qayb qaadanaya qalqal gelinta amniga shacabka, gudaha iyo dibaddaba. Dowladda waxay uga digaysaa falalkan khatarta ku ah amniga bulshada, waxayna ka qaadi doontaa tallaabooyin sharciga waafaqsan.
–DHAMMAAD–

Shaqaalaha Dowlada oo beri la fasaxay munaasabada maalinta shaqaalaha darteed

Villa Somalia - MADAXWEYNE FARMAAJO OO DHAMBAAL HAMBALYO AH U DIRAY  SHAQAALAHA SOOMAALIYEED Muqdisho, May 01, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Munaasabadda  Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-daWasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, waxay u hambalyeynaysaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚.
Waxaa la ogeysiinayaa in Khamiista, 1-da May 2025, ay tahay maalin fasax qaran oo loo asteeyey shaqaalaha, iyadoo lagu maamuusayo dadaalkooda iyo doorkooda muhiimka ah ee horumarinta dalka.
𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐮𝐡𝐮 𝐰𝐚𝐚 𝐀𝐰𝐨𝐨𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚!May be an image of text

Faysal Cali Waraabe oo Fariin la yaab leh u direy Maamulka Puntland

Siyaasiga reer Waqooyia Soomaaliya Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaayay maxaabiis maanta reer Puntland u soo daayeen reer Somaliland ayaa fariin mahad celin ah usoo direy Maamulka Puntland.

fariinta oo hab qoraalkeeda lala yaabay ayaa waxaa ka mid ahaa inuu u mahadce;inayo madaxda maamulka Puntland ,shacabkooda iyo dumarkooda.

Faysal oo qoraalkiisa aflagaado u badna ayaa amaan kala dul dhacay maamulka Puntland oo uu xitaa u quuri waayay puntland inuu ugu yeero isagoo ka door biday inuu maamulka Garowe ugu yeero.

“waxaan u mahad celinayaa madaxda maamulka Garowe iyo shacbigooda siiba dumarkooda”ayuu yiri Siyaasiga Faysal Cali Waraabe ee sanad kasta isasoo sharaxa islamarkaaana aan waligiisna marna ku guuleysan xilka u sareeya maamulka Somaliland.

Qoraalka Faysal ayaa sidan u qornaa:-

Milateriga iyo kuwa Macawisleyda Gal-gaduud oo dagaal kula wareegay deegaano Alshabaab-ku heysteen.

No description available.CEEL-DHEER (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Gal-gaduud ayaa sheegaya howgal ay Saaka isla fuliyeen ciidamada Xooga Dalka iyo Macawisleyda dhanka bariga gobolka Galgaduud ay guulo ka gaareen.

Ciidamadaan isbahaysanaya ayaa cagta mariyay saaka deegaano Alshabaabku fadhiyo ku lahaayeen sida Cali Candhoole iyo Baraag Sheekh C/llaahi  kadib dagaal saacado socday oo halkaasi ka dhacay.

Deegaanadaan ay weerarka ku qaadeen ciidamada Dowlada ayaa 40KM waxay u jiraan Degmada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud waxayna ku yaal meel howd ah, wuxuu qaatay dagaalka mudo saacadood ah ka how inta aan laga eryin alshabaab.

Warar laga helaayo saraakiisha hogaamineysay dagaalkaani saaka aroortii dhacay waxay sheegaayaan in alshabaab looga dilay ilaa 10 maleeshiyaad ah sidoo kalana hub looga furtay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMNo description available.No description available.

DAAWO: Maamulka Puntland oo 11 maxbuus Somaliland ah sii daayay

Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe waxaa goordhow ka duuley 15 kamid ah maxaabiistii ciidanka Somaliland ee lagu qabtay dagaalkii ka dhacay gobolka Sool.

Maxaabiistaan ayaa lagu soo bedeli doonaa 11 Maxbuus oo Somaliland gacanta ku hayso, kadib wadahadal dhexmaray Maamulada Puntland iyo Somaliland..

Jawigaan wada hadal iyo maxaabiis is dhaafsiga waxaa sameeyay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.

Wasiir Fartaag iyo Gudoomiye Amiir oo iskala qeybgalay shir amniga looga hadlaayay+SAWIRRO

May be an image of 2 people, dais and textWasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kala qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Caasimadda Mudane Maxamed Axmed Amiir, shirka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo looga hadlayay sidii loo dardargelin lahaa Amniga Caasimadda iyo qaadashada kaararka codbixinta doorashooyinka ee Isdiiwaangelinta dadweynaha.
Shirka ayaa waxaa warbixin la xariira Amniga iyo habsami u socodka Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha loogu dhageystay Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), iyadoona Wasiirka uu ku ammaanay Maamulka Gobolka Banaadir howlaha muhiimka ah oo ay u hayaan shacabka iyo wada shaqeynta kala dhaxeysa hey’adaha amniga.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa faray Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir in la dar-dargeliyo wacyigelinta bulshada ee ku aadan isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha, in xooga la saaro Taakuleynta iyo garab istaaga Ciidamada Qaranka iyo in loo turo bulshada qeybahooda kala gedisan.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—May be an image of 11 people and textMay be an image of 1 person and text that says "AMAR"May be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person, newsroom and daisMay be an image of 2 people and newsroomMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person, headscarf, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people, newsroom, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people, newsroom and daisMay be an image of 2 peopleMay be an image of 2 people, dais and text that says "D/HOOSE D/HOOSEEEXAMAR EE XAMAR"May be an image of 1 personMay be an image of 2 people, beard and newsroomMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 2 people, newsroom and daisMay be an image of 2 people, people studying and text
- Advertisement -

news

Etsy – Shop for handmade, vintage, custom, and unique gifts

0
Etsy is more than an online market it is a pulsating world center in which creativity thrives and combines buyers with independent suppliers that...

book store near me

Murf AI

HOT NEWS