Home Blog Page 95

Waa kuma sargaalka Alshabaabka ah ay Ciidamada Dowlada dileen

 

Ciidanka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa xalay howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen deegaanka Bursha Sheekh ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas oo ay ku sugnaayeen kooxda Al Shabaab.

War lagu baahiyay warbaahinta afka ciidanka dowladda ku hadasha , ayaa lagu sheegay in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee dowladda beegsadeen xarumo kooxda Al Shabaab ku lahaayeen deegaanka Bursha Sheekh.

Ciidanka dowladda ayaa la sheegay in howlgalka ku burburiyeen xarumo kooxda Al Shabaab ku lahaayeen deegaanka Bursha Sheekh, waxa sidoo kale la sheegay in ciidanka dowladda halkaasi ku dileen xubno katirsanaa dagaallamayaasha Al Shabaab.

”Howlgalka ayaa lagu burburiyay goobo ay kooxda Khawaarijtu ku lahayd deegaanka, halkaas oo ay ka wadeen falal argagixiso oo lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed. waxaa sidoo kale howlgalka lagu dilay tiro ka mid ah Khawaarijta ku sugnayd degaanka halka goobihii gabaadka u ahaa Argagixisada laburburiyay” ayaa lagu yiri warka lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka , ayaa maalmihii lasoo dhaafay weeraro culus oo dhinaca cirka ah ka fulinayay deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana halkaasi lagu laayay xubno badan oo katirsanaa kooxda Al Shabaab.

Maxaa ku soo kordhay dagaalada degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose

 

Dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab , ayaa saakay oo Sabti ah weerar culus oo ku bilowday qaraxyo gaadiid laga soo buuxiyay waxa ay ku qaadeen saldhig ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya kaga sugnaayeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxyada kaddib ayaa la sheegay in dabley hubeysan oo katirsan Al Shabaab weerar toos ah ku qaadeen saldhigga ciidanka xoogga , waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo dhax maray labada dhinac ciidanka dowladda iyo maleeshiyaadkii weeraray.

Dadka deegaanka ayaana maqlayay daryanka rasaasta culus ay labada dhinac is dhaafsanayeen, waxaana jira khasaaro badan oo isuu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac kala gaaray, lamana oga ilaa hadda dhinaca shacabka khasaaraha soo gaaray.

Dagaalka ayaana wali lagu soo waramayaa in uu ka socdo degmada Aydheegle oo saakay kooxda Al Shabaab sanado kaddib weerar culus ku qaaday, waxaana degmada u baxay ciidamo kale oo katirsan dowladda oo u gurmanaya ciidankii la weeraray.

Weerarada nuucan ah oo ay fuliyaan kooxda Al Shabaab ayaa muddooyinkan aad ugu yaraa gobolka Shabeelaha Hoose oo horey uga dhici jireen, waxa uuna weerarkan imaanayaa xilli ay kooxda Al Shabaab dib isku soo abaabuleen kuna soo laabteen deegaanno katirsan Hirshabelle.

Halista xayiraada safarka Mareykanka ku soo rogay Somalida

 

Muwaadiniinta kasoo jeeda Soomaaliya ayaa si dhaqso ah ula kulmay xayiraadda socdaalka ee Mareykanka uu saaray Soomaaliya , iyadoo safaaradaha Mareykanka ay billaabeen inay dib u dhigaan dal ku galka Mareykanka ee ay soo codsadeen muwaadiniinta Soomaaliya.

Go’aankan Mareykanka ayaa si dhaqso ah u saameeyay dadka aan fiisaha la siin ee ku guuleystay bakhtiyaanasiibka lagu magacaabo Green Card Lottery oo filayay inay helaan dal ku galka , balse ma aysan helin fiisaha, sida ay ii sheegeen qaar ka mid ah dadkii ku guuleystay Lottery-ga ee toddobaadyadii u dambeeyay waraysiyada laga qaaday.

Liiska uu soo saaray Mareykanka oo saddex xaaladood loo qeybiyay , waxaa ku jira 43 waddan, waxayna mari doonaan dib u eegista saraakiisha safaaradaha , wasaaradda arrimaha dibadda iyo khubarada dhanka amniga ee waaxyaha kale iyo hay’adaha sirdoonka Mareykanka.

Hay’adahan dib u eegista sameenaya ayaa soo saari doona go’aanka kama dambeysta ee dalalka laga joojiyay inay muwaadiniintooda soo galaan Mareykanka iyo waddamada la kulmaya xaddidaada, balse Soomaaliya waxay ku jirta dalalka horey laga go’aamiyay inaysan soo geli karin muwaadiniintooda gudaha Mareykanka, taasi oo ka dhigan inan wax dib u eegis ah lagu sameyn doonin.

Hay’adda NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

 

War ay soo saartay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay ka dhacday deegaanka Boos-Hareeri ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warka ayaa intaasi ku daray in Howlgalka Duqeyn lagu bartilmaameysaday xubno ka tirsan Al shabaab, waxaana lagu dilay Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad gaarayay 29 xubnood oo Kooxda Al shabaab ka tirsan.

Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in duqeyn kale oo xoogan ay ka geysteen Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaanka Jambaluul.

Bayaanka waxaa lagu yiri “Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa howlgal ay qaadeen lagu Khaarijiyay 12 xubnood oo ka tirsanaa Al shabaab.

24 kii saac ee lasoo dhaafay ayay Dowladdu sheegtay in Howlgalladan soo bilowday ilaa iyo haddana socda waxaana sida lagu sheegay Bayaankaan kasoo baxay NISA in  jab xoog leh lagu gaarsiiyay Argagixisada.

Ugu dambeeyn waxa ay Hay’adda NISA, dadka rayidka ah ay ku wargalisay in ay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan dagaalamayaasha Al shabaab ee bartilmaameedka u ah Ciidanka Qaranka.

DG Puntland oo sheegtay in dhul horleh ay ka qabsatay Daacish

Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa guul muhiim ah ka sheegatay howlgallada ka socda deegaannada Dowlad-Goboleedkaas gaar ahaan dhulka buuraleyda ah ee Deegaanka Geesaqabad oo ay ka qabsadeen Kooxda Daacish.

Puntland ayaa tilmaamtay in deegaankaan uu kamid ahaa deegaannada Daacish ‘Dadka ku dhibaateyn jirtay’ sida hadalka loo dhigay waxaana lagu sheegay in Dadka ay kahor istaagi jireen ceelasha biyaha laga cabo.

Ciidamada Difaaca Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegay in guullo muhiim ah ay ka gaareen dagaallada ka socda deegaannada ku teedsan dhulka buuraha ah, waxa ay ciidankaas sawirro kasoo qaadeen qaar kamid ah Difaacyadii ay Daacish dhisatay.

Inta uu howlgalkaan socday waxa ay Ciidamada Dowlad-Goboleedka Puntland sheegeen in ay soo rideen ilaa 3 Diyaarad oo nooca duulliye la’aanta ah (Drones) oo ay Daacish la damacsaneen inay ku weerarto ciidamadaan sida hadalka loo dhigay.

RW Xamsa”Kursi xoog lagu soo qaatay xiiso ma lahan”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa shacabka caasimadda kala qeyb-galay afur wadareed ka dhacay Suuqa weyn ee Bakaaraha, taasi oo muujinaysa horumarka amni ee ka hirgalay caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay xoog badan galisay sidii loo xaqiijin lahaa amniga caasimadda, isaga oo uga mahadceliyay bulshada caasimadda sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen hey’adaha amniga ee suurageliyay in caawa nabad loogu afurayo suuqa Bakaaro

Sidoo kale Xamsa ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay ku hawlan tahay qabashada doorashooyinka dowladaha hoose iyo sidii guud ahaa dalka looga hirgelin lahaa doorasho qof iyo cod, si shacabku ay u soo doortaan cidda hoggaamineysa, ulana xisaabtami karaan, taasi oo ah xaq dastuuri ah oo ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale R/wasaare Xamsa ayaa sheegay si cad u sheegay in kursi xoog lagu soo qaatay uusan xiiso u qabin, taasi badelkeeda uu jecel yahay in doorasho toos ah lagu soo doorto.

” Kursiga waa lay soo xoogey oo xiise kuma qabin, in sanduuq lay dhigo Kismaayo ayaan jeclaa, Waa naga go’an tahay qabashada doorasho.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya

Dagaal Cusub oo Laga Cabsi Qabo In uu Ka Dhex Qarxo Itoobiya iyo Ereteriya

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ku-meel-gaadhka ah ee Tigray, Lt. Gen. Tsadkan Gebretensae, ayaa ka digay ifafaale colaadeed oo ka taagan xadka labada waddan, kadib abaabulka ciidan ee ay dhinacyadu sameeyeen maalmahan u dambeeyay.

“Markasta ayuu dagaal ka dhex qarxi karaa Itoobiya iyo Ereteriya,” ayuu yidhi Gebretensae, oo qoraal faallo ah ku baahiyay jariidada The Africa Report, isaga oo muujiyay inuu cabsi ka qabo in gobolka Tigray uu noqdo garoonka dagaalka labada dhinac. Waxa uu sheegay in fursadda lagu joojin karo dagaalku ay sii yaraanayso.

Waddamada Itoobiya iyo Ereteriya oo muddo dheer cadow ahaa, ayaa heshiiyay sannadkii 2018, kadib markii Abiy Axmed uu qabtay xilka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, iyadoo Ereteriya ay Itoobiya ka caawisay dagaalkii ka dhanka ahaa TPLF. Laakiin colaadda ayaa soo cusboonaatay kadib heshiiskii Pretoria ee u dhexeeyay TPLF iyo dowladda Itoobiya.

Dowladda Ereteriya oo dhawaan ku dhawaaqday abaabul buuxa oo ciidan, ayay Itoobiya sheegtay inay doonayso inay ka faa’iidaysato khilaafka ka dhex taagan madaxda TPLF iyo maamulka ku-meel-gaadhka ah ee Tigray, kaasi oo laga cabsi qabo inuu markale sababo dagaal galaafta nabadda jilicdasan ee gobolka.

“Asaias Afwerki wuxuu isku dayayaa inuu ka faa’iidaysto kala qaybsanaanta ka dhex jirta TPLF, si uu u wiiqo heshiiskii nabadda ee Pretoria,” ayuu yidhi Madaxweynihii hore ee Itoobiya, Mulatu Teshome, oo u warramay Al Jazeera. Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale damaca helitaanka marin baddeed ee Itoobiya ay cabsi galisay dowlada Ereteriya, isla markaana ay doonayso in ay ka hor takto dagaalo laga yaabo in Itoobiya ay ku qaado dekedaha ganacsi ee dalkaas.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Ereteriya, Yemane G. Meskel, ayaa dowladiisa ka fogeeyay eedaha uga imaanaya Itoobiya. “Heshiiska Pretoria waa arrin khuseysa arrimaha gudaha Itoobiya, yaan xuduudaha laga tallaabin,” ayuu yidhi, isaga oo sheegay in dowladiisu aanay xiiso u hayn inay faraha la gasho arrimaha gudaha Itoobiya.

Warbixin lagu daabacay Foreign Policy ayaa ugu baaqday Midowga Afrika, waddamada Khaliijka iyo Galbeedka, inay si degdeg ah usoo farageliyaan xaaladda, oo laga cabsi qabo inay isku beddesho dagaal galaafta nabadda gobolka iyo marinada ganacsi ee Badda Cas.

 

Soomaaliya oo markii ugu horreysay bixisay Kaararka Aqoonsiga Qaxootiga iyo Magan-gelya Doonka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Aqoonsiga Qaxootiga iyo Magan-gelyo Doonka ka dib Munaasabad ka dhacday Xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed.
Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay oo munaasabadda ayaa ka hadlay muhiimada kaararkaan aqoonsiga uu u leeyahay xuquuqda Qaxootiga iyo Magan-gelyo Doonka isagoo yiri” Xeerka Qaxootiga iyo Magan-gelyo Doonka wuxuu xaq u siinayaa in ay dalkeenna ku noolaadaan islamarkaana ka shaqaystaan Qaxootiga, iyagoo ilaalinaya xeerarka iyo dhaqanka dalkeenna u dagsan isla-markaana ka shaqaynaya Nabad-galyada iyo ammaaanka.

Munaasabadaan sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed Axmed Xuseen Cilmi waxaana uu sheegay in tallaaba muhiim ah la qaaday oo qofka shaqsiga waxa uu yahay kaarkaasi lagu cadeenayo.

Guddoomiye Axmed ayaa yiri”Aqoonsigu waa astaanta iyo heybta qofka shaqsi ahaan loogu aqoonsan karo in uu yahay Hebel ama Heblaayo sababtoo ah waxaa is waafaqaya Muuqaalka qofka, Magaca iyo Masawirka intaba, Waana cadeynta cadeyn karta qof, isla markaana sugi karta sax ahaanshaha sheegashada shaqsigaas”.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah Aqoonsigooda u guddoonsiiyay qaar ka mid ah Qaxootiga ku nool Soomaaliya kuwaasi oo goob joog ahaa munaasabadda.

Itoobiya iyo Israa’iil oo ka wada hadlay dagaalka AS

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Israa’iil iyo Itoobiya, Gideon Sa’ar iyo Gedion Timotheos, ayaa yeeshay kulan ay uga wada hadleen xoojinta iskaashiga amniga, gaar ahaan arrimo la xiriira Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Sa’ar, ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dagaalka AS iyo kooxaha kale ee lamidka ah.

Dhinaciisa, Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya, Gedion Timotheos, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga amni ee labada dal.

Wuxu xusay in ay qeyb yihiin howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kaasoo ka socda Soomaaliya si loola dagaallamo Al-Shabaab loona xoojiyo nabadda gobolka.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo saacado gudahood dagaalka AS kala hadlay Safiirada Mareykanka iyo Turkiga.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Safiirada Mareykanka iyo Turkiga.

Cali Guudlaawe ayaa safiirka Mareykanka uga warbixiyay howlgallada ka dhanka ah AS ee ka socda dalka, gaar ahaan deegaannada Maamulkaasi.

Safiirka Mareykanka ayaa xusay in ay Ciidamada Dowladda iyo dadka deegaanka in ay ka caawinayaan dagaalka AS, si looga saaro deegaannada ay kaga sugan maamulkaasi.

Dhinaca kale, Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa si lamid ah kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa Taageerada Turkiga ee howlgallada soconaya.

“Safiirka ayaa u tacsiyeeyay intii ku dhimatay dagaalka isagoo Rabbi uga baryay caafimaad inta ku dhawaacantay howlgalka” ayuu yiri Safiirka Turkiga oo ka hadlay kulanka.

Dalalka Turkiga iyo Mareykanka ayaa qeyb ka ah howlgallada ka dhanka ah AS ee ka socda dalka, gaar ahaan dhinaca Duqeymaha.

- Advertisement -

news

book store near me

0
Are you looking for a library near me? That you are a lover of books who seek the last success of sales, a student...

Murf AI

HOT NEWS