HomeWarkiiDiyaaradaha sirdoonka Pakistan ee sahminta qaabilsan oo India ka soo dhex adeegtay

Diyaaradaha sirdoonka Pakistan ee sahminta qaabilsan oo India ka soo dhex adeegtay

ISLAMABAD (DAYNIILE.COM)-Milateriga Pakistan ayaa ku celiyay inay ka go’antahay inay India ku qaadayaan weeraro aargudasho ah kadib markii maalmo ka hor Ciidamada India duqeyn ka gaystaan gudaha Dalka Pakistan.

Diyaaradaha Dagaalka India ayaa xaga cirka ka duqeeyay ilaa saddex saldhig ciidan oo ah kuwa ciidanka cirka Pakistan iyo goobo dad rayida oo Masaajid uu ku jiro.

Hindiya weli kama aysan jawaabin eedeymahaas, oo lasoo bandhigay waaberigii hore ee Sabtida.

Saldhigyada Pakistan ee la weeraray waxaa ka mid ah Nur Khan, oo ku yaalla Rawalpindi, islamarkaana caasimada Islamabad u jira qiyaastii 10km.

Qaar ka mid ah wararka dunidu ka diyaarisay qorshaha weerar ee Pakistan ayaa sheegay in Sirdoonka Hindiya uu Kufashilmay ogaanshaha diyaarinta weerar ee Pakistan iyo meelaha u calaamadeysan.

Wararkaan ayaa intaasi ku daraya in diyaaradaha wax basaasa ee Pakistan ay durba soo sahmiyeen meelaha ay weerari doonaan xili nidaamka difaaca India uu ogaan waayay dhaq dhaqaaqyada Pakistan taasoo la leeyahay waa fashil iyo fadeexad kale oo soo wajahday awooda ciidan ee India gaar ahaan mida nidaamkooda difaaca hawada.

Dunida oo dhan ayaa dhagta u taageysa weerarka Pakistan ee jawaabta u ah weerarkii India iyadoo laga cabsanayo in xaaladu faraha ka baxdo oo weerar iyo weerar celisku isku badalo ugu dambeyn in labada dal isu adeegsadaan hubka wax gumaada ee Nuyuklerka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMThree years of India-Pakistan border ceasefire: Stable and unsteady

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -