BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Puntland Maxamuud Ciid Darir ayaa beeniyay wararka sheegaya in dowladda Imaaraadka Carabta ay saldhigyo ciidan ama xarumo gantaalo ama raadeer ka sameystay magaalada Boosaaso ee Waqooyi Bari Soomaaliya.
Wasiirka ayaa xusay in eedeymahan ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn oo ay qeyb ka yihiin olole warbaahineed oo ay hormuud ka tahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, oo ay wehliyaan warbaahin shisheeye, kuwaas oo la doonayo in lagu sumcad-dilo Puntland.
Wasiirka wuxuu intaa ku daray in dhinacyadan ay doonayaan in ay wiiqaan dadaalka ay Puntland ugu jirto la dagaalanka argagixisada.
Halkaan ka akhriso warbixinta Wasiirka oo ku qoran luuqada English-ka :-
The Minister of Information in the Government of Puntland, Mahmoud Eid Darr, has denied reports that the United Arab Emirates had established military bases or rocket launching platforms in the city of Bosaso, northeastern Somalia. The minister noted that these allegations are “baselessly unhealthy” as part of a media campaign led by the Somali federal government, alongside foreign media, aimed at discredit Puntland, adding that these parties are “looking to undermine Puntland’s efforts to combat terrorism”.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM