CALMISKAAD (DAYNIILE.COM)-Taliye Ayaanle Dheere oo ka mida saraakiisha ciidamada Punland ayaa maanta ka warbixiyay dagaal xalay ay la galeen Daacish kaasoo ka dhacay Deegaanka Dhasaan Sarre ee buuraleyda Calmiskaad.
Iska hor imaadka ayuu sheegay inay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan kooxda Daacish oo bilihii ugu dambeeyay ay kula dagaalayeen buuraha calmiskaad.
Mar uu ka hadlayay sida dagaalku ku qarxay ayuu taliye Ayaanle sheegay inay Daacish weerar soo qaadeen laakiin xiligaasi ciidamada Puntland difaac ku jireen sidaasna uga guuleysteen oo intii ka hartayna ay ku daba jiraan.
“iyagoo indha la’ bay na soo galeen xalay laakiin ciidamada oo difaac ku jirey ayaa ka hor tagay waa kaas baqtigoodu daadsan yihiin,inaga hal askari oo dhaawaca kaliya ayaa jira ma jirto wax khasaare kale ah oo na soo gaaray maxaa yeelay waxaa nahay xaq u dirir”ayuu yiri Taliye Ayaanle.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM