HomeWarkiiMaamulka Puntland oo sheegtay inuu dib ula wareegay Degmo ay ka qabsadeen...

Maamulka Puntland oo sheegtay inuu dib ula wareegay Degmo ay ka qabsadeen Maamulka SSC Khaatumo

KARKAAR (DAYNIILE.COM)-Waxaa shalay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar lagu faafiyay in ciidamo ka tirsan Maamulka SSC Khaatumo ay qabsadeen Degmada Shaxda ee Gobolka Karkaar halkaasoo maamulka Puntland ay xisaabsadaan.

Taliska Booliiska Puntland arintaani ka jawaabaya ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray aritaasi waxayna sheegeen ugu horeyn inay heleen xog muujineysa in wax ay ku sheegeen maleeshiyo ka soo jeeda dhanka Taleex ay soo gaareen Degmada Shaxda xili ay magaca SSC Khaatumo soo hadal qaadin isla markaana arintaasi guu ahaan ku sheegeen mid si dhuumaaleysi ah ku dhacday.
Warsaxaafadeedka waxaa sidoo kale lagu sheegay inuu Degmada  Shaxda gaaray Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar ee Maamulka Puntland Gashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud kadib marka ay ka war heleen ciidamada soo galay Degmada Shaxda.
Taliyaha wuxuu si adag ugu digayaa isku day kasta oo lagu carqaladeynayo amniga degmadaasi sida warsaxaafadeedka lagu muujiyay.
Ugu dambeyn warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in ciidamadii Maamulka SSC Khaatumo laga saaray deegaanka ay soo galeen ee Gobolka Kar kaar ka tirsan.
“Maleeshiyaadkii waa laga saaray degmada, waxaana hadda xaaladda degmada Shaxda ay tahay mid deggan, iyadoo si buuxda gacanta ugu hayaan Ciidanka Booliska”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Maamulka Puntland
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of text that says "PUNTLAND PUNTLAND POLICE FORCE"
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -