MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Magaalada Muqdisho waxaa si xowli ah uga sii socda qaadashada kaararka aqoonsiga doorashooyinka Golaha deegaanka ilaa xilka Madaxweynaha
Degmooyinka maanta kaararka laga qaadanayay waxaa ka mida Dharkeenleey, Wada-jir iyo Gubad-leey ee Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Amniga degmada Dharkeynley Cabdullaahi Xasan Afrax ayaa sheegay in maanta shacabka Degmada ay si weyn isugu soo baxeen si ay u qaataan kaarka aqoonsiga doorashooyinka.
Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Gubadley Cabdullaahi Nuur (Kaalibey) ayaa sheegay in Degmada Gubadleey maanta si weyn looga qaatay kaarka aqoonsiga doorashooyinka .
“Waligey ma arag meel wax lagu dooranayo, maanta ayay rajadaas ugu dhawdahay waana u diyaarsanahay.”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Gubadley Cabdullaahi Nuur (Kaalibey)
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM