HomeWarkiiQaramada Midoobe oo shaacisay inaan Dowlada Somalia lagu cidleyn dagaalka Alshabaab

Qaramada Midoobe oo shaacisay inaan Dowlada Somalia lagu cidleyn dagaalka Alshabaab

NEW YORK (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Masuul ka tirsan Hay’ada Qaramada Midoobe ayuukaga hadlay dagaalada ka socda Somalia ee ka dhanka ah kooxda alshabaab isagoona dalbaday in Dowlada Somalia la caawiyo.

Masuulkaan oo lagu magacaabo Ben Saul islamarkana ah wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan dhanka la dagaalanka argagaxisada iyo ilaalinta xuquuda insaanka ayaa ku baaqay in Dagaalka ka dhanka Alshabaab aan lagu cidleyn dowlada basle lagu garab istaago.

Sarkaalkaan wuxuu tilmaamay in Dowlada Somalia xiligaan wajaheyso caqabado ku aadan dagaalka ay kula jirto Dowladu kooxaha Daacisha iyo Alshabaab,wuxuuna soo jeediyay in loo midoobo dagaalka kooxahaasi lagula jiro.

Ben Saul wuxuu carabka ku adkeeyay in waddamada taageera Soomaaliya ay ka fiirsadaan inay yareeyaan taageeradooda ama inay ka baxaan isagoona xusay in hadii ay taas dhacdo ay khatar gelin karto guulihii laga gaaray kooxaha argagaxisada.

Sidoo kale wuxuu sheegay Ben Saul in Dowlada Somalia ay wali aad muhiim ugu tahay taageerada caalamiga ah sida Tababar ciidan, dhaqaale iyo taageere siyaasadeed intaba.

“Dowlada Somalia si ay ugu xoojiso awoodeeda waxay u baahan tahay taageerada beesha caalamka”ayuu mar kale yiri Ben Saul

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMUN Geneva - Multimedia Newsroom : OHCHR Press Conference - Special  Rapporteur Ben Saul on Human Rights and Counterterrorism

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -