AFGOOYE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in qarax miino lala eegtay fariisin ciidamada Dowladu ku leeyihiin Magaaladaasi.
Qaraxa oo laga maqlay xaafadaha Magaalada Afgooye ayaa wararka madaxa banaan waxay sheegayaan inuu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamadii Dowlada ee lala eegtay inkastoo aan laga helin tiro sugan.
Qaraxa kadib ayaa goobta waxaa gaaray ciidamo dheeraad ah oo Dowlada ka tirsan inkastoo aaney cidna u soo qaban qaraxa kaliya waxay gurmad u sameeyeen ciidamadii qaraxa lagu weeraray.
Masuuliyiinta Dowlada Somalia iyo Maamulka Koofur-Galbeed midkoodna kama hadlin qaraxaani iyo khasaaraga ka dhashay, xili la rumeysan yahay in qaraxaani ay ka dambeeyaan kooxda Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM