MADERA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Waqooyi Beri Kenya ayaa sheegaya in Qarax miino maanta barqadii lagu weeraray gaadiid ay wateen ciidamada Kenya oo marayay wadada isku xirta xerooyinka qaxootiga Dha-dhaab iyo Xagar-dheer.
Qaraxa Miino ayaa burbur soo gaarsiiyay mid ka mida gaadiidka ciidamada balse wax khasaare nafeed ah ma gaarsiin ciidamada.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa kadib uu dhacay is rasaaseyn toos ah oo wararka qaar sheegayaan inuu u dhexeeya Alshabaab iyo ciidamadii Kenya ee qaraxa lagu weeraray.
War ka soo baxay dhanka ciidamada Kenya ayaa sheegaya inay 2 ka dileen kooxaha soo weeraray halka 2 alana ay qabteen kuwaasoo ay ku sheegeen inay Alshabaab ka tirsan yihiin inkastoo aysan cadeyn u heyn.
Mid ka mida raga ay qabteen waxay ku eedeeyeen inuu watay fiilo nuuca qaraxyada loo adeegsado iyo sokor islamarkaana uu ahaa qof aan deegaanada kala aqoon waa sida uu yahay shakiga ciidamada kenya.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMÂ