HomeWarkiiQM iyo dalal caalamka ka mid ah oo soo dhaweeyay xabad joojinta...

QM iyo dalal caalamka ka mid ah oo soo dhaweeyay xabad joojinta Pakistan iyo India

Xabbad joojin u dhaxaysa Hindiya iyo Pakistan ayaa u muuqata inay sii soconayso, saacado kadib markii labada dhinacba midba midka kale ku eedeeyay xad-gudub.

Qaramada Midoobay iyo dalalka caalamka oo ay ka mid yihiin Bangaladesh,Qatar,Turkiga iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa soo dhaweeyay xabbad joojinta oo ay garwadeen ka ahaayeen in ka badan 30 dal.

Mar sii horreysay, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Hindiya, Vikram Misri ayaa sheegay in millatariga Hindiya la faray inay “si adag ula tacaalaan” jebinta soo noqnoqota, halka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Pakistan ay sheegtay inay “ay ka go’an tahay” heshiiska xabbad joojinta.

In ka badan 60 qof ayaa lagu dilay Hindiya iyo Pakistan afar maalmood oo dagaal xudduud ah ka socday ka dib markii New Delhi ay billowday weerarro ka dhan ah kaabayaasha argagixisada ee Pakistan ay maamusho Kashmir, aargoosiga weerarkii dhimashada lahaa ee Pahalgam.
Hindiya ayaa ku eedaysay kooxaha hubeysan ee fadhigoodu yahay Pakistan inay ka dambeeyeen weerarkii 22-kii Abriil ee lagu dilay 26 dalxiisayaal Hinduu ah. Islamabad way diiday inay wax lug ah ku leedahay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -