NEW YORK (DAYNIILE.COM)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la soo sheegayaa in dhawaan ay cod u qaadi doonaan hirgelinta qaabka maalgelinta (hybrid) ee lagu ayidayo howlgalka AUSSOM kaasoo lagu badalay ATMIS.
Habka loo yaqaan Hybrid ee isku darka ah waxaa lagu cadeyay qaraarka 2719 kaasoo bishii ugu dambeysay sanadkii 2023-kii la meel mariyay.
Qaraarkaasi wuxuu dhigayaa in Qaramada Midoobay ay bixiso 75% kharashka hawlgalka, halka 25% ay ka timaado Midowga Afrika iyo deeq-bixiyeyaasha kale,inkastoo Mareykanku ka digay adeegsiga hirgelinta degdegga ah ee qaabka Hybrid
Mareykanku wuxuu tilmaamay in habkaani Hybrid suuragal ka dhigi karo in Qaramada Midoobay ay bixiso 90% kharashka hawlgalka oo ka baxsan xadka la isla ogolaaday.
Howlgalka hirgelinta AUSSOM ayaa la calaamadeeyay inuu si toos ah u bilowdo Bisha 7-aad ee sanadkaan hadii Rabi idmo.
Ameerikanku wuxuu soo jeediyay si loo dhamaystiro qaab-dhismeedka iyo xalinta caqabadaha miisaaniyadda howlgalka AUSSOM in la hagaajyo waxa loo yaqaan (Bridging mechanism) oo labo sano ah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM