Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay khubaro ka socotay dalka Talyaaniga.
Khubaradan ayaa kala ahaa Dr. Ahmed Faghi Elmi oo ka tirsan Golaha Deegaanka magaalada Trieste ee dalka Talyaaniga, iyo Prof. Federico Battera iyo Prof. Federico Donelli oo ka socda Jaamacadda Trieste, qeybteeda Siyaasadda iyo Cilmiga Bulshada.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii labada dowladood ay iska kaashan lahaayeen tayaynta waxbarashada jaamacadaha ee labada dal.
Dhinacyadu waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda uu iskaashigan u leeyahay horumarinta jaamacadaha Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyagoo isla qaatay in ardayda Soomaaliyeed loo fududeeyo helitaanka waxbarasho tayo leh, isla markaana dowladda Talyaaniga kaalin mug leh ka qaadato taageerada arrimahaas.
Guddoomiye Cali Shacbaan Ibraahim ayaa uga mahadceliyey khubarada booqashadooda, isagoo sidoo kale bogaadiyey xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyo kaalinta muuqata ee dowladda Talyaaniga ay ku leedahay horumarinta Soomaaliya.








