HomeWarkiiRa’iisul Wasaaraha muxuu kala hadlay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya+SAWIRRO

Ra’iisul Wasaaraha muxuu kala hadlay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya+SAWIRRO

Muqdisho, Khamiis, 22 Maajo 2025: –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya uga mahadceliyay taageerada iyo garab istaagga ay mar walba siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan arrimaha gargaarka, amniga, maalgashiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
Danjire Axmed Al-Mawlid ayaa carrabka ku adkeeyey in Boqortooyada Sacuudigu ay door weyn ka qaadan horumarinta kaabayaasha muhiimka ah, iyo in kooxaha Khawaarijta ah laga sifeeyo dalka, si dadka Soomaaliyeed u gaaraan horumar wax ku ool ah.May be an image of 2 people and text that says "Jm"May be an image of 2 people, the Oval Office and textMay be an image of 2 people, the Oval Office and textMay be an image of 3 people, the Oval Office, dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -