Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay iyo Wasiirkii hore, Mudane Axmed Macallin Fiqi.
Munaasabadaan oo uu goob joog ka ahaa Ra’iisulwaaare Xamsa ayaa ka dhacday Xarunta Wasaarada arimaha dibada,waxaana hadalo kooban jeediyay wasiirada xilka isku wareejinaya.
“waxaa naga go’an inaan qaadano ajande nabnad iyo wada shaqeyn ku dhisan oo dariskeena iyo caalamka an kula dhaqano, si looga mira-dhaliyo Hogaaminta madaxwweynmaha iyo xukuumada Dan-qaran ee Soomaali heashiis ah dunidana heshiis la ah”ayuu yiri Wasiirk cusub ee arimaha dibada C/salaan Cabdi Cali



